Qurba joogta beesha Ciisaha oo cambaareeysay Maamulka Siilaanyo “Somaliland waxay noqotay Maamul Isaaq”
(Xariiradnews) Qurba joogta beesha Ciisaha ayaa cambaareeyn kulul dusha uga tuuray Maamulka Siilaanyo oo ay ku eedeeyeen inay Maamulka Somaliland ka dhigeen mid fuliya danaha beesha Isaaq.
“Waa nasiib daro in Maamulka Siilaanyo noqday Maamul Isaaq,waxaana ugu baaqeeynaa beesha Ciisaha inay ka tashadaan Aayahooga” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeed ka soo baxay qurba joogta Ciisaha.
Jaaliyadda Ciisaha waxay tilmaameen in abaaraha ka jira gobolka Salal ahayn kuwa cusub balse Maamulka Siilaanyo iska indha tirayeen mudo dheer .
“Wafdiga Siilaanyo u diray abaaraha gobolka Salal waxaanu ku tilmaami karnaa mid qiimeeynaya meeyd aruurin balse maaha kuwa u gurmanaya bulshada Ciisaha” ayaa lagu hardhay Warsaxaafadeedka qurba joogta Ciisaha.
Ciisaha waxaa loogu baaqayaa inay dantooda gartaan oo ka tashadaan maamulka Siilaanyo.
Nagala soo xiriir :- xariiradnews@gmail.com
Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=1516
| : | xariiradnews@yahoo.com | |
| : | xariiradnews@gmail.com |

