xayaysiis Telesombanner2013
|

Siilaanyo Oo Siyaasiyiinta Beesha Ciisaha Ka Reebay Ergada Wada xaajoodka Somalia

Amsterda(XNN) Qurba joogta beesha Ciisaha ayaa Madaxweynaha Somaliland Ahmed Siilaanyo ku eedeeyay inuu yasmo iyo cunsurinimo kula kacay Siyaasiyiinta beesha Ciisaha ee degta gobolka Salal.
War saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha Jaaliyadda beesha Ciisaha ee Holland Khadar Ahmed ayaa si kulul uga hadalay saamiga ay beesha Ciise ku leedahay Xukumada Somaliland isagoo xusay in haba yaraatee laga hor joogsaday xilalka ay ka hayn lahaayeen dalka   waxuuna yidhi “Siilaanyo wuxuu ku kacay cunsurinimo taasi waxaa ka marqaati kacaya inuu ergada Wadaxaajoodka ku deray siyaasiyinta Gadabuursi iyo Dhulbahante balse yasmo darteed xaqiray siyaasiyiinta beesha Ciisaha”
Qurba joogta beesha Ciisaha waxay mar labaad ku baaqeeysaa in laga tashado maamulka beesha Dhexe ee Somaliland.

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=1845

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Jun 18 2012. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login