SIr weyn Oo Laga Helay Madaxtooyada Kuna Saabsan Madaxdii loo Haystay Musuqmaasuqa Oo Ku Sugan Bishan Ramadaan Xabsiga Hargeysa Iyo Garsoore Rashiid Duraan Oo Kasoo Kabtay Dhaawicii Gaadhay.

Hargaysa[XNN]Runtii waxaynu ka wada dheregsanahay sida uu u maamul xumaystay kiiskii musuqmaasuqa raashinka ee dusha laga saaray Badhasaab Axmed Xamarji iyo Agaasime Axmed Cilmi , la taliye Cismaan yare iyo Axmed Timacade.

Hore waxaynu u ogeyn in markii ragan la qabanayey aan lasiin fursad ay isku difaacaan ama ku xog waramaan , waxaa lagu qabtay si qaflad ah iyaga oo lagu eedeeyey in ay Fal gacanta kula jiraan.

Xaqiiqdu waxay tahay denbigan waxa loo adeegsadaa marka qofku uu gacanta kula jiro Faldenbiyeen Camali ah sida Kufsiga, dhicida Bangiyada, Dilka , laakiin haduu denbigu musuqmaasuq yahay waxa uu u baahan yahay Baadhid dheer Iyo ka fiirsasho.

Maadaama arinku uu ahaa arin Siyaasadeed oo ay Madaxtooyadu dabada ka riixayso waxaa Madaxdaas laga ilaaliyey in ay is difaacaan, Hadii Wasiir ama Badhasaab lagu soo eedeeyo tuuganimo , maadaama uu leeyahay Immunity oo ah Sharaf ay siisay jagada uu qaranka u hayo oo uu sito Calankii Gobolka Maroodijeex, waxa ay ahayd Madaxweynihii magcaabay in uu u yeedho uu weydiiyo waxan lagu eedeeyey sida ay wax uga jiraan, taa lama yeelin ee ilaa maanta ayuu cabudhsan yahay.

Hadaba Cadaalad daradii ku dhacday Garsoore C/rashiid Duraan ayaa soo if baxday markii la helay xogo kasoo baxaya madaxtooyada in Garsooraha uu aad uga warwareegay in uu Xukumo Madaxdan , isaga oo saluugay Dhismaha Denbiga loo haysto Madaxda, laakiin ay Marwada madaxweynaha Aamina Maxamuud Jirde , iyo WasiirXisri Xaaji Cali ku qanciyeen in uu xukumo kadibna la cafin doono oo 7 casho dabadeed ay debeda joogi doonaan, Garsoore Cabdirashiid Arinkaa aad buu uga murugooday , waxana uu yeelay arinkii isaga oo madaxa laalaadinaya, Taasi waa tii ay ka dhalatay Falkii Foosha xumaa ee garsooraha loo geystay oo ahaa Fal denbiyeed ku cusub Qaranka Somaliland.

Illaahay waa ka kiciyey Garsoore Cabdirashiid falkii toogashada ahaa ilayn alla dilaa dhintee , waxaa u laabnaa maalmo , isaga oo Caafimaad qaba ayuu maanta joogaa. Waxay arini sii xumaatay markii ay Madaxdii la dulmiyey ay diideen in ay Cafis qaataan, kuna andacoodeen in aanay garaneyn denbiga ay galeen ee laga cafinayo.

Waxay nadar ku galeen in ay weligood meeshooda ku jirayaan oo aanay cafis been ah qaadaneyn oo ay Appeal ka qaateen denbigan been abuurka ah, Arinkaasi waxa uu ku noqday murugo hor leh Dawladii iyo 2 qof ee denbiga dabada ka riixayey ee aan kor kusoo xusay, Waxa uu Wasiir Xirsi marar badan ku dooday in ay iyagu Xabsiga isku hayaan oo aanay marnaba Dawladu Qiraneyn in ay qaldantay, laakiin iyagu fudud yihiin oo ay Cafiska Madaxweynaha iska qaataan.

Hada arinkii waxa ay taagan tahay Garsoore Cabdirashiid Duraan oo mar 2aad ay dawladu ku qasbayso in uu Kiis soo dhiso uu ku sababaynayo xukunkii uu riday, Mar 2aad ayay ku adag tahay in uu Garsoore Rashiid been diyaariyo , arinkani wuu ka war wareegayaa oo illaa maalintii uu soo noqday ayaa qoysaskii Madaxdani Codsanayaan in kiiskan uu maxkamada u gudbiyo, hadaba Tacadiga iyo dulmiga maanta cadaaday waxaa ceebtiisa Madaxa u ridanaya Wasiirka Cadaalada mudabne Xussein caydiid oo ah nin sharci yaqaan ah laakiin Magac uyaal maanta u muuqda, Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo masiirta qaranka ee loo igmaday u daba fadhiistay Xirsi iyo Marwadiisa, oo aad moodayso in ay ku hafteen hagidii qaranka Somaliland.

Waxaa kaloo oo illaa hada aan la garaneyn waxa uu u aamusan yahay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, Waxaa la gudboon in uu ka dulqaado Kiiskan Garsoore Rashiid Duraan oo aan dulmi danbe gacmaha loo gelin , lana soo daayo Madaxdaa lagu tacdiyey si ay Reerahooda ula ciidaan.

Fashil iyo Hogaamin xumo inoogu filan ay inoo gaysato dawlada maanta Talada haysaa , Dhacdadan waxay ka tarjumaysaa Cadaalad darada ka jirta Somaliland iyo debecsanaanta Garsoorka.

Cabdirisaaq Xasan Cawed


Shabakada Xariiradnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Info@xiiradnews.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)


You must be logged in to post a comment.

shic-300x237 Halkan ka daawo Soomali shiicoobay & sida loo fidmoobay
- Sep 30, 2014
london(XNN)Waxaa baryahan dambe soo badanaya dad Soomaali ah oo mad-habta Shiicada qaatay isla markaasna ka ...
UNIIIII Mulkiilaha Universal oo raali galin siiyay Somaliland
- Sep 29, 2014
Ahmed Abubukar wuxuu maanta Raaligalin ka bixiyay hadal uu ku caayay Madaxweynaha  Somaliland kaas ...
imagesCAXDQ9CV Akhrista Yaasha Shabakada Xariiradnews Ayaa Canbarayn U soo Jeediyay Kalidii Taliska Madaxweyne Geele Iyo Xulafadiisa
- Sep 29, 2014
Jabuuti[XNN]akhris ta yaasha shabakada wararka xariiradnews.com aya canbarayn dusha uga saaray kalidii taliska madax ...
latest_news_logo Kulaan Dhiiri-gelin Ah Oo Haya”da Vosomwo U Qabatay Sidii Beelaha La Hayb-Soca Uga Qayb Qaadan Lahaayeen Diwaan-gelinta Meedeniga Ah Ee Ka Socota Dalka
- Sep 29, 2014
Hargeisa_(XNN)_ kullan ballaadhan oo haya”da Vosomwo u qabatay dadka laga tirida beden yahay,sidii ay ...
samsam WASAARADA WAXBARASHADA SOMALILAND OO KU DHAWAAQDAY NATIIJADA IMTIXAANADII FASALADA 4AAD IYO 8AAD.
- Sep 29, 2014
hargaysa(XNN)Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland ayaa si rasmi ah  maanta ugu dhawaaqay Natiijada Imtixaanaadka Dugsiyada ...
uk Booliska Ingiriiska Oo Wada Howlgalo Ay Ku Soo Qabanayaan Soomaali Qaadka Ka Ganacsada
- Sep 28, 2014
Hargeysa(XNN)Booliiska dalka Ingiriiska Ayaa wada howlgalo lagula dagaalamaayey qaadka waxaana la sheegay inay ku ...
UEG DAAWO Nin Muuqaalkiisa Aan Laga Garan Madaxweyne Barack Obama.
- Sep 28, 2014
washinton(XNN)Waxaad halkan ka daawataa Nin Muuqaalkiisa Aan Laga Garan Madaxweyne Barack Obama, ee daawasho wacan. http://youtu.be/1Gge9vBSRNk
HANI UK VIDEO: DAAWO FANAANADA HANI UK, OO HORE U SHEEGTAY INAY KA BAXDAY FANKA UNA LEEXATAY XAGA DIINTA AYAA SOO SAARTAY HEES AY UGU MAGAC DARTAY DHAAYAHA
- Sep 24, 2014
London(XNN)Fanaanada HANI UK, oo hore u sheegtay inay ka fadhiisatay Fanka kana leexatay , ...
xeer_ciise_front Bayaan Kasoo Baxay Waxgaradka Beesha Ciise Ee Dire Dhaba
- Sep 22, 2014
diridawa(XNN)shir ay iskugu yimaadeen waxgaradka.aqoonyahanka.iyo sjyaasiyiinta beesha kaasi oo looga hadlayay go'aan la sheegay ...
A-SALEEBAAN-GAAL GUDOOMIYAHA GUURTIDA SOMALILAND OO KA HOR YIMI WAREEGTADII UU MADAXWEYNE SIILAANYO KU KALA DIREY KOMIISHANKII
- Sep 18, 2014
Hargaysa(XNN)Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), ayaa maanta laba xunnood oo ka ...
latest_news_logo Xildhibaanadda Maraykanka Oo Su’aalo Kasoo Celiyay La Dagaalanka Kooxaha Islaamiyiinta ISIS
- Sep 18, 2014
Hargeysa(XNN)Guddiga Qaabilsan Ciidamada iyo difaaca ee golaha odayaasha Maraykanka Senatka ayaa su’aalo adag weydiiyey ...
amniga-80x106 WASIIR KU XIGEENKII HORE AMNIGA SOMALILAND OO AY XUKUMADU KU WEERERI JIRTAY GURIGIISA JIGJIGA YAR OO MAXKAMAD LA HORKEENEY
- Sep 16, 2014
Hargaysa(XNN)Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ahaa wasiir ku xigeenkii horfe ee Amniga Somaliland ayaa shalay ...
news Godoomiyaha Degmada Togwajaale Xaashi Maxamuud Cabdi Oo Jabiyey Wareegto
- Sep 16, 2014
togwajaale(XNN)Godoomiyaha Degmada togwajaale xaashi maxamuud cabdi oo jabiyey wareegto kusoocotay dhamaan masuuliyiinta heer gobol ilaa ...
slntv-300x225 Telefishanka Qaranka oo Hirgeliyey Adeeg Cusub oo suurta-galinaya inaad Telefonkaaga kala Socon karo Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa
- Sep 16, 2014
Hargeysa (XNN)- Telefishanka Qaranka Somaliland, ayaa adeeg casri ah oo dadku kala socon karaan ...
Ethiopia-ONLF-Rebelle-1 Itoobiya Oo Diiradda Ku Haysa Xidhiido Dhex Maray Hadhaaga Jabhaddi ONLF Iyo Khaatumo
- Sep 14, 2014
Hargeysa(XNN)Kooxaha Nabadiidka ah ee Khaatumo Iyo Jabhada Itoobiya dagaalka kula jirta ee marka magaceeda ...
calan Cabsi iyo Fadeexad La Soo Daristay Janaraalka Ciidamada Dalka Jamhuriyada Jabuuti Janaraal Sakariye Shekh Ibraahin
- Sep 13, 2014
Jabuuti(XNN)Ila wareedo  shabakada xariirad news ay  heshay aya shegaya  in janaraal ka ciidamada qalabka ...
faysal Daawo Muqaal…”Somaliland Mardanbe sidan ku socon mayso,Hadii ay xukumadda Siilaanyo kordhis isku daydo dawlad ayaanu ku dhawaaqaynaa” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe…
- Sep 13, 2014
Hargaysa(XNN)”Somaliland Mardanbe sidan ku socon mayso,Hadii ay xukumadda Siilaanyo kordhis isku daydo dawlad ayaanu ...
cawke WARIYE CAWKE OO BEENIYEY IN UU DHALAY GABADH FANKA KU SOO BIIRTAY
- Sep 13, 2014
Hargaysa(XNN):-Qaar Ka Mid Ah Mareegaha Onlineka Ah Ee Ka Hawlgala Guddaha Somaliland Ayaa Dhawaan ...
Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.