Dhageyso Fanaanada weyn ee Nimco Jamac oo amaankeeda la adkeeyay – Dacwadeeda Dahabshiil
Xariiradnews.com – Fanaanadda weyn ee reer Jibouti Nimco Jamac ayaa amaankeeda la adkeeyay kadib markii shir ka dhacay Jibouti lagu go’aamiyay in la khaarijiyo.
Fanaanadda oo Wareeysi gaara siisay Radio Waagacusub waxay sheegtay in gurigeeda lagu xiray Kaamirooyin sidoo kalena boliis badan la geeyay .Halkaan ka dhageyso Wareysigeeda.
Nimco Jamac waxay sheegtay inay Dowladda Canada u gudbisay dacwad ka dhana Shirkadda Dahabshiil taas oo ay baaris ku sameeynayaan Ciidamadda amaanka.
“Ismaciil Cumar Geelle waa nin la sixray waxna kalama socdo xaalada Jibouti” ayey tidhi Nimco Jamac oo dhinaca kale sheegtay inay Xabsiyada Jibouti ku xiran yihiin la heystayaal aan sharciga la horgeyn.
Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=8745
| : | xariiradnews@yahoo.com | |
| : | xariiradnews@gmail.com |

