Topnews:- Xarumahii Shirkadda Dahabshiil ee Faransiiska oo la xiray.
Paris(XNN) Jaaliyadda bulshada ku hadasha afka Somaliga ee ku nool dalka Faransiiska ayaa ku hungoobay Xarumahii Shirkadda Dahabshiil ku laheyd dalkaas .
Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil oo la soo xiriiray Xariiradnews.com ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay sababta loo xiray Xarumaha Dahabshiil ku lahayd Magaaladda Paris.
“Anagoo Jaaliyadda Jibouti u badan ayaan tagnay Xarumahii Dahabshiil ee Paris,nasiib daro ajnabiyiintii aan la kulanay waxay noo sheegeen in labaatan maalmood ka hor la xiray Xarumahii Dhiigshiil ku lahayd Faransiiska”ayey tidhi Haweeneey la soo xiriirtay Xariiradnews.
Haweeneeyda kadib ayaan telefoon kula xiriirnay Somalida degan Paris waxayna dhamaantood xaqiijiyeen in albaabada loo laabay Xarumahii Shirkada Dahabshiil ku laheyd Faransiiska balse waxay faahfaahin ka bixin waayeen sababta.
Dahabshiil oo siyaasada Somalia ku milantay ayaa lagu eedeeyay inay tacadiyo u geysatay Saxaafadda madaxabanaan ee Somalia.
Fanaanadda Sahra Halgan oo ka mida shaqsiyaadka u soo halgamay qadiyada Somaliland ayaa wareeysi ay siisay Radio Hadhwanaag ku tidhi “Walaalayaaloow Dahabshiil waa nala soo halgantay oo ilaa qaxootiyadii ayey nala socotay ee halala hadlo,qaladkiisa gaar haloogu sheego,hana la difaaco Shirkadda maadama ay cadaw badan leedahay maanta”
Hadalka Sahra Halgan ayaa xambaarsan dhiilo ka marqaati kaceyso in Shirkadda Dahabshiil gebi ka laalaado mar hadii xaajadu gaartay habar wacasho iyo qeyladhaan toleed.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee New UCID Faysal Cali Waraabe oo todobaadkaan Wareeysi xasaasiya siiyay Tifaftiraha Waagacusub Dahir Alasow ayaa Shirkadda Dahabshiil ku marqaati furay inay maalgelisay Xisbiyadda Somaliland gaar ahaan UCID,Udub iyo Kulmiye.
Wariyaha Wareeysanayay Faysal Cali Waraabe oo la rumeeysan yahay inuu raadinayay dukumiinti uu ku xaqiijiyo in Dahabshiil lacag siisay Siyaasiyiinta hogaamiya Xisbiyada Somaliland iyo Xulufadii Ahmed Siilaanyo ayaa marqaati fur buuxa u helay warbixinadii uu ka qori jiray Dahabshiil sanadkii 2009 -2012.
Faysal Cali Waraabe ayaa yiri ” Dahabshiil aniga xitaa lacag igu filan ayey i siisay,Udub waa siisay,Kulmiye waa siisay,waxaana ku dhahay , Aniga iyo Siilaanyo waa kuu simanahay ee hanoo kala eexan ,inta reer Barinimadana waan kuu ogolahay”
Warbixinta Faysal ku cadeeyay in Dahabshiil lacag siisay waxay xoojineysaa dacwada lagu oogay Dahabshiil ee la xiriirto inay maalgelisay Xukumadda Ahmed Siilaanyo oo xasuuqday dad rayida sidoo kalena xabsiga dhigtay dad u badan berimageydo,sida Wariyeyaal iyo Oday dhaqameedyo.
Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=8323
| : | xariiradnews@yahoo.com | |
| : | xariiradnews@gmail.com |

