Qormadii 21-aad Somaliland Waa Qaranimo is Qaawisey, Laakiin ogow muwaadinow Qaylo dhaantu waa Quwad !”

Markii Xukuumadii  Taraartey ee tubtii toosnaa ay ka luntey ee ay dhabadii bur-burka dawladnimo cagta saartey, markii xukuumadii isla jaan qaadi weydey,is hagi weydey, is hanuunin weydey,ee ay baydh-baydhey ka dibna galaafatey hanaankii iyo habsami u-socodkii iyo  hab-dhaqankii iyo higsigii  hawlihii  dawladnimo. ma khalad baa hadii la tilmaamo oo la toosiyo?? Ma denbi baa hadii wadadii ay ka ambatey dib loogu soo dabaalo oo lagu soo celiyo? ma khalad baa hadii caqligii iyo rayigii ay ka banjartey loo buufiyo??  ma  dil-baa hadii cadeymihii hantidii ay ummadda ka lunsatey la hor-keeno ?? mise arinku waa aynu is-toocsano iyo qar-qarsi, qoor-qabad iyo car juuq-dheh,  yaan inta tunka iyo tafeenaha lagaa buuxsado lagu turan-tureyne! oo godka lagugu tuurine’ Waa Yaab-ka Yaab-kiis!  bal’adba!
 
Markii xukuumadii la doortey ee la dirtey ee la yidhi noo dood oo dunida noo wareeg oo ictraaf nooga raadi uu burjigii, buruudkii iyo burhaantiiba ay ka dhamaatey ayaa waxaa waxgaradkii, aqoonyahankii oo ay hogaaminayaan mujaahidiinta ugu shilis ee ugu  tunka waa-weyn S/land ayaa  waxay cod dheer ku yidhaahdeen ” Xukuumadeey dareen baanu kaa qabnaa! yaa! xukuumadeey waanu ku daba geleynaa! Yaa! Xukuumadeey danahayaga iyo ta shacabka toona  kugu daawan meyno mar-danbe! ka diba waxay gaadheen go’aan adag oo waxaay  ku  dhawaaqeen gole madax-banaan oo ay dhamaan ku-midoobeen oo la magac-baxey golaha madaxa banaan ee wada-tashiga iyo toosinta qaranka, golahaa oo ay ku dhawaaqeen badankii  Mujaahidiintii iyo aqoon yahankii Somaliland ugu magaca iyo miisaanka weynaa,uguna  sharafta,milgaha iyo karaamada badnaa kuwaas oo abaal aan la soo koobi karin ku leh  bulshada Somaliland dhexdeeda waxaa u-riyaaqey badankii shacabkii Somaliland ee gudo iyo debedba. golahani wuxuu xukuumada u soo bandhigey 16 su’aalood oo isdaba yaal ah.iyaga oo mujaahidiintu maanka ku haya hab nabadeedkii ay Somaliland ku soo caano maashey ee ku saleysnaa is-maqalka, gar-naqsiga,wada-tashiga iyo talo-wadaaga iyo xalinta khilaafaadka ayey  ka cod-sadeed in ay xukuumadu ka jawaabto.16 kaa su’aalood ee ku saleysan xogta iyo xaqiida maanta Somaliland ka jirta. Mujaahidiintu waxa ay wadaan waa dhaliil toos ah oo ku-aadan xukuumada  taas oo ah mid-Dastuuri ah oo ay xaq iyo xeerba u-leeyihiin in ay talada, toosinta iyo tusmadaba la wadaagaan shacabkooda iyo  xukuumadaba. Mujaahidiintu marna may-odhan Somaliland wey liicdey, lulantey, laalantey oo luntey- Xaasha!! xaasha! xaasha!
 
       Hadaba Xukuumadii maxey fashey?  xukuumadii waxay qaadey  sas iyo sakati waxaaney bilaabeen. qaylo dhaan iyo  salaadiineey ka soo kacaay– ka soo kacaay.!
 
Xukuumada Siilaanyo waxa ay isku badhaxdey oo may-dhanaan ka noqdey runtii iyo beentii, fariidkii iyo nacaskii, mujaahidkii iyo faqashkii, Daneystihii iyo Daryeelihii, Guushii iyo fashilaadii, Guurtidii iyo xisbiyadii, fulintii iyo wakiiladii, Qabiilkii iyo Qaranimadii,Goboladii iyo Degmooyinkii, dastuurkii iyo xeerarkii, Xilgudashadii iyo is-xisaabintii, tolkii iyo tolanihii,maareeyihii iyo wasiirkii, xisaabiyihii iyo xog-hayihii, wadanigii iyo guulwadihii.Xukuumadii waxay isku xeertey duul deris ku-nool ah oo doogsin-dhabanaaya oo eryanaaya uun dalqada uun wax-dhigaan iyo maal,magac iyo maa-muus aan-bireysneyn oo aaney ehel-u-aheyn oo aaney kasban. duul aan hadalka iyo hawraarta ka aradan oo  aan  hadal  u meeldayin oo dhaleeceynta, deel-qaafka,beenta, cayda, isku dirka, iska hor-keenka  iyo gefka ay ugu badiso oo ku-naaxa kuwaas oo ku  caan baxey in ay war-baahintii wanaaga la isu marin  jirey in ay Mujaahidiintii wadanka xoreeyey in ay uga tiriyaan iyaga oo isticmaalaya guul-wadeyaal darban oo wada ah weji-kumacaash, afku-macaash, waqti-ku-macaash.mashuuc-ku-macaash, liisan ku-macaash iyo dilaal-ku-macaash kuwaas oo ay ku soo kireysteen hantidii ummaddan baahan ee badaha isku guraaya ka dhaxeysey ee wax-loogu qaban lahaa. Waa duul doonaaya in ay maalin qudha maal-qabeen ku-noqdaan  oo shirkado waa-weyn  ku-sameystaan kuwaas  oo dilaalnimo iyo boobkii hantii maguuraanka aheyd ee ummadda ku walfey. Waa duul si yar oo sibiq ah  ku soo galey madaxtooyadii  iyaga oo aan meelna uga soo wareegin jaran-jarona u-soo marin. kuwaas oo qaar ka mid ahi ay heleen awood sare oo aaney xaq-u-laheyn oo ay cidla ka heleen oo ay ku-amar-ku-taagleeyaan cidina ku -qabsan weydey.oo baadi ah.

Waa Xukuumad ka aradey  xilgudashadii iyo adeegsiga awoodihii  dawladnimo iyo kuwii siyaasadeed. Waa xukuumad hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda ka dhaxeysey dhaxal-wareejisey oo u-sadqeysey shaqsiyaad dhereg-dhaafey oo dhinac ka raran oo gacan-wadaaga yaqaan. waa xukuumad xagal daacdey oo xilkii loo dhaariyey ee loo igmadey gudan weydey. Waa xukuumad Allow sahal ah oo  xaalkeedii uu noqdey awr ku kacsi taas oo aan xataa xisbigeeda aan xeerin ee xilalka u fadhateysata xisbiyada kale iyo golaha wakiilada iyada u-badheedhey in ay wiiqdo oo ragaadiso habkii xisbiyada badan maa-daama ay ugu badiso oo ay durbaanka u-sidato  hab-beeleedka ay hada hormoodka iyadu ka tahay.

Geba-Gebo: Mar hadii ay xukuumadii ay rayigii iyo caq-ligiiba ka banjartey waa in uu Golaha wada-tashiga iyo toosintu rayi-gooda iyo caqli-gooda ku biiriyaan oo ku buufiyaan, waa in ay  isla gar-naqsadaan  Illahay ayaa Gar-soora ah’e. qormadani waa aniga rayigeyga shaqsiga ah qasabna maaha in aad sidiisa dhamaan ku-wada qaadataan ,waana la isku diidi karaa lagana doodi karaa.    La soco  kuwa danbe       ————-???
 
Alleh Ayaa Mahada Leh.
Wa-Laahum-Aclum-Wa-Bilaahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Shabakada Xariiradnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Info@xiiradnews.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

kulmiye Daawo Suldaanka Guud Ee Beelaha Gabooye Suldaan Daakir Oo Sheegay Inay Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Magac Xun U Bixiyeen Beelaha Gabooye
- Apr 28, 2015
Hargeysa (XNN) – Daawo Suldaanka Guud Ee Beelaha Gabooye Suldaan Daakir Oo Sheegay Inay ...
IGD Daawo Xoghayaha Urur Goboledka IGAD Oo Ka Warbixiyay Kulamo Uu La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Iyo Ujeedada Socdaal Uu Ku Joogo Hargeysa
- Apr 28, 2015
Hargeysa (XNN) – Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD oo socdaal ku joogay magaaladda ...
Telesom-Xaysiisin-2 Daawo Shirkada Isgaadhsiinta Telesom Oo Maanta Daah-furtay Adeeg Zaad Somaliland Shilling Ah Oo Ka Bar-bar Shaqayn Doona Adeegii Hore Ee Dollarka.
- Apr 27, 2015
Hargeysa-(XNN)-Daawo Shirkada Isgaadhsiinta Casriga Ee Telesom Oo Daah-furtay Adeeg Zaad Somaliland Shilling Ah Oo ...
12 Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Oo Kullan La Qaatay Madaxweynaha Dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar ,+SAWIRRO.
- Apr 27, 2015
Djabuuti-(XNN)-Kulankaan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa madaxweynaha ...
dagaal_yemen-IBB Daawo Daacish Oo Ciidankii Ugu Horeeyay Soo Gelisay Dalka Yemen ( VIDEO + SAWIRO )
- Apr 27, 2015
Hargeysa(XNN)-Daacish, ayaa waxay daboolka ka qaaday inay xoogag cusub geysay dalka Yemen, si ay ...
dhulgariirka123 Daawo In kabadan 1800 Oo ku Dhimatay Dhulgariirkii Ku Dhuftay Galbeedka Dalka Nepal
- Apr 26, 2015
Hargeysa(XNN)-Kumanaan dad ah oo reer Nepol ah ayaa xalay dibadda ka seexday guryahooda kaddib ...
usn Halkan kadhagayso heestii madaxwayne geele madaxa xanuunisay ee dalada mucaaradka jabuuti
- Apr 26, 2015
jabuuti(XNN) heestii madaxwayne geele madaxa xanuunisay ee dalada mucaaradka jabuuti  taas oo iskuxidhayshacabka reer ...
xariddddddddddddd1.jpg Daawo Xariirad News TV: Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Tababar Markii U Horaysay Borama Ugu Qabtay Wariyeyaasha G.Galbeedka Somliland.
- Apr 25, 2015
Borama(XNN) – Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA oo maanta Boorama ku qabtay tababar kor ...
wqqq Halkan Ka Daawo Waraysi Aanu Layelanay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Dalka jabuuti Ee Raad Mudane Cabdiraxman maxamed geele(tx)
- Apr 25, 2015
Roterdam(XNN)waraysi aanu layelanay gudoomiyaha sixbiga mucaaradka  raad ee dalka jabuuti gudoomiyaha aya kawaraya qoshaha ...
RADDE Daawo tageerayasha Xisbiga Mucaaradka Usn Ee Dalka Jabuuti Ee Ku Dhaqan Dalka Holland Oo Si Heer Sara Ah Usoo Dhaweyay Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka Ee Raad mudane Cabdiraxman Maxamed Geele (tx)
- Apr 24, 2015
Roterdam(XNN)tageerayasha xisbiga mucaaradka dalka jabuuti ee ku dhaqan dalka holland oo si heer sara ...
xarr Wasiir kuxigeenka wasaarada diinta iyo awqaafta somaaliland nuur cusman guleed oo ku sugan degmada xariirad
- Apr 22, 2015
xariirad(XNN)Wasiir kuxigeenka wasaarada diinta iyo awqaafta somaaliland nuur cusman guleed oo ku sugan degmada ...
flag-usa Daawo Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Lala Xidhiidhiyay ISIS Oo Dacwad Lagu Soo Oogay Mareykanka
- Apr 21, 2015
WASHINTON(XNN) – Hay’ada danbi baarista ee Maraykanka FBI ayaa dacwad kusoo oogtay Lix dhalinyaro ...
riig Fadeexad Waxqabadkii mashruuca biyo-galinta interprice ee degmada ayshaca oo lagu guuldaraystay.
- Apr 20, 2015
ayshaca(XNN)Wararka ka imaanaya degmada ayshaca ayaa lagu soo waramayaa in biyo-la,aan baahsan iyo xaaladda ...
sheekh bashiir Radio xariiard news Maxaad Kataqanaa Tariikhnololedka Sheekh Cabdiraxman Bashiir Oo Kamida Culumada Reer Jabuuti
- Apr 19, 2015
TORONTO(XNN)maxaad kataqanaa tariikhnololedka sheekh cabdiraxman bashiir oo  kamida culumada Dalka reer jabuuti kuwa ugu ...
golaha-wakiillada Golaha Guurtida Oo Si Buuxda U Taageeray Qisaastii Xukuumada Somaliland Fulisay
- Apr 19, 2015
Hargeysa(XNN)-Xariirad News Tv: Golaha Guurtida Oo Si Buuxda U Taageeray Qisaastii Xukuumada Somaliland Fulisay in ...
xariirad Daawo reer xariirad oo cunaqabatay hayso biyala aan iyo baabuuur laaan
- Apr 19, 2015
xariirad(XNN)degmada xariirad aya ah takaliya ee aya kubadan yihiin bulshada beesha ciise marka loo ...
tacsi1 Bahda Shabakadda Xariiradnews Waxay Tacsi Tiiraanyo leh U Dirayaan qoys kii u kabaxay aabo caafi buraale ook u geriyoday degmada xariirad
- Apr 19, 2015
Bahda Shabakadda Xariiradnews Waxay Tacsi Tiiraanyo leh U Dirayaan  qoys kii u kabaxay aabo ...
breaking-news-32 Daawo AMbulance kii degmada xariirad oo la afduubay iyo xalada degmada oo kacsan hada
- Apr 19, 2015
XARIIRAD (XNN)AMbulance kii degmada xariirad oo la afduubayiyo xalada degmada oo kacsan hada  madaaama ...
Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.