|

Fanaanka Bacalwaan Oo Sheegay In Lacago Laga Dhacay + Video

bacalwaanFarankafort(XNN)Fanaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Cabdi Cali Bacalwaan oo ka mida ahaa hoboladii qaranka ee Waaberi, hadana ku nool dalka Germany ayaa si weyn ugu eedeeyey xarunta caafimaadka ee Danyar Daryeel Service oo degan Germany inay musuqmaasuqeen lacago uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee qurbaha jooga ay u uruuriyeen waqtigii ku xanuunsanayey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Bacawalwaan oo laga duubay wareysi muuqaal ah, ayaa waxa uu sheegay inuu marar badan isku dayey inuu lacagtiisa helo, laakiin wax jawaab ah aan la siin ilaa hadda, waxa uuna codsanayaa in la siiyo lacagtii uu xaqa u lahaa.

Dhinaca waxa uu aad ugu mahad celiyey fanaantii iyo dadkii kale ee Soomaaliyeed ee u soo gurmaday xanuunkiisa oo hadda uu caafimaad-qab ku jooga Germany

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=36518

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Aug 11 2014. Filed under Fanka Iyo Fanaanka, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed