|

10 Ciyaartoy Oo Real Madrid Ah Oo Uu Ku jiro Cristiano Ronaldo Oo laga Baadhay Drugs Iyo Dareenka ku xeeran

madridUEFA ayaa si lama filaan ah ku soo booqatay xerada tababarka kooxda Real Madrid iyaga oo doonayay inay baadhitaan drugs-ka lagagabaadhayo ku sameeyaan qaar ka mid ah ciyaartoyda Real Madrid.Baadhitaanka ayaa la mariyay 10 ciyaartoy oo Real Madrid ah kuwaas oo uu ku jiro Cristiano Ronaldo.

Xili ciyaareedkani markii uu bilaamayay ayay UEFA baadhitaan ku samaysay ciyaartoy ka mid ah kooxda Madrid, baadhitaankaas ayaana dhacay kulankii finalkii Super Cup ee ay Madrid ka qaatay kooxda  Sevilla kaas oo ka dhacay Cardiff.

Waxaa jira ururo dhawr ah oo la shaqeeya UEFA waxaana ka mid ah wakaalada ilaalinta caafimaadka ciyaartoyda Spain oo dhawaan baadhitaan ku samaysay shan ciyaartoy oo Barcelona ah waxaana ka mid ahaa Lionel Messi kaas oo sheegay in isaga si gaar ah loo bartil maameedsaday

Dareen aan fiicanayn ayaa laga bixiyay in 10 ciyaartoy ay EUFA markaliya baadhitaan ku samayso. Ciyaartoyda Real Madrid ayaa la sheegay in laga baadhay dhiiga iyo kaadida inkasta oo aan la sheegin in dhamaantood laga wada baadhay dhiiga iyo kaadidaba

madrid

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=38085

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 11 2014. Filed under Sports News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed