|

Arsenal Oo Beenisay In Wilshere Uu Maqnaan Doono 3-Bilood.

Kooxda Arsenal ayaa si wayn u beenisay in laacib kooda 22 jirka ah ee qadka dhexe Jack Wilshere uu garoomada ka sii maqnaan doono mudo dhan 3-bilood.

Sky Sports ayaa shaacisay in kooxda Gunners ay beenisay wararka sheegaya in Wilshere dhaawiciisu uu ka sii daray taas oo la sheegay in uu garoomada ka sii maqnaan doono ilaa bisha March ee 2015.

Ilawareedyo la hadlay Sky Sports ayaa u sheegay in Wilshere uu kooxda ka maqnaan doono 3-bilood lakiin Arsenal ayaa ku tilmaantay been abuur warka ay shaacisay Sky Sports.

Gunners ayaa sheegtay in Jack Wilshere uu garoomada ku soo laaban doono waqtigii la qorsheeyay oo ah dhamaadka bisha janaayo.

Wilshere

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=37920

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 8 2014. Filed under Sports News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed