|

Franck Ribery Oo Dhaliyay Goolkiisii 100aad Ee Bayern Munich.

riberyXiddiga Faransiiska garabka uga ciyaara Franck Ribery ayaa u dhaliyay goolkiisii 100aad ee tartan rasmi ah kooxda Bayern Munich iyadoo kooxda Jarmalka ay soo ceshatay hogaankii todobada dhibcood ee ay ku heysay horyaalka Bundesliga.

Ribery ayaa gaaray goolkiisa 100aad ka dib 287 kulan uu u saftay Bayern Munich, waxaana uu goolkaas ahaa goolka kaliya ee ay kaga badiyeen kooxda Bayer Levekusen.

Laakiin waxa ay aheyd qaab ciyaareed aan sidaas u fiicneyn oo ay soo bandhigeen kooxda difaacaneysa horyaalka.

Guuldarada soo gaartay Leverkusen ayaa la micno ah inay u dhaceen kaalinta shanaad.

Shalayto xilli sii horeysayna kooxda kaalinta labaad ee Wolfsburg ayaa 3-1 kaga badisay Hannover. Ciyaaryahankii hore ee Chelsea Kevin de Bruyne ayaana u furay goolasha kooxdii martida aheyd.

Kooxda laga yaaban yahay Augsburg ayaa soo gashay kaalinta 3aad ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Cologne, halka kooxda kaalinta afaraad Schalke ay 4-0 ku dardartay kooxda Stuttgart kuwaasoo haatan ugu hooseeya horyaalka.
_79561353_ribery

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=37814

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 7 2014. Filed under Sports News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed