|

Hordhac Group E UCL: AS Roma, Man City Iyo CSKA Moscow Oo U Dagaalamaya Booska Wareega 16ka Champions League.

champions-league-group-e-110914Waxaa miiska saaran booska wareega 16ka ee Champions League marka Roma iyo Manchester City ay caawa isku arkaan Stadio Olimpico.

Roma ayaa ku soo baxda guul ay gaarto, waxa ay sidoo kale ku soo baxaan barbaro haddii CSKA Moscow ay guul ka gaari weyso Bayern Munich kulanka kale ee Group E. Haddii CSKA laga badiyo, Roma waxa ay ku soo baxdaa barbaro goolal la’aan ah, laakiin kuma soo baxdo barbaro goolal leh.

Man City waxaa ku qasab ah inay badiso caawa islamarkaana ay rajeyso in CSKA aysan badinin, waxa ay sidoo kale ku soo baxaan barbaro goolal leh haddii CSKA laga badiyo. Laakiin Haddii Man City ay guuldarro caawa soo gaarto waxa ay ka wada harayaan tartamada Yurub oo dhan.

Roma ayaa raadineysa inay gaarto wareegyada kale ee Champions League markii 7aad halka City ay dooneyso inay gaarto sannadkii labaad ee isku xigta.

Kooxda CSKA Moscow ayaa iyadana rajo ka leh wareega 16ka, waxaana ay u baahan yihiin inay caawa ka badiyaan Bayern Munich islamarkaana ay ay rajeeyaan inaysan Roma ka badinin Manchester City.

2156999_w2

SHAXDA MACQUULKA AH:

Roma: De Sanctis; Maicon, Astori, Manolas, Holebas; Pjanić, Keita, Nainggolan; Gervinho, Totti, Ljajić.

• Waxaa ka maqan: Castán iyo Torosidis oo dhaawac ah, waxaase shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa Skorupski.

 

Man City: Hart; Zabaleta, Kompany, Mangala, Clichy; Fernando, Fernandinho; Milner, Jovetić, Nasri; Dzeko.

• Waxaa ka maqan: Touré oo ganaax ah, halka Nastasic iyo Aguero ay dhaawacyo ku seegayaan, halka David Silva uu shaki ku jiro taam ahaanshihiisa.

2193313_w2

SHAXDA MACQUULKA AH:

Bayern: Neuer; Rafinha, Boateng, Dante, Bernat; Schweinsteiger, Rode, Ribéry, Götze, Müller; Lewandowski.

• Waxaa ka maqan: Alaba, Badstuber, Martinez, Lahm, Pizarro, Alcantara, Reina, Starke iyo Benatia  oo dhamaantood dhaawacyo kala duwan qaba.

CSKA: Akinfeev; Mario Fernandes, V Berezutski, Ignashevich, Schennikov; Wernbloom, Natcho, Milanov, Eremenko, Dzagoev; Doumbia.

• Waxaa ka maqan: Elm iyo A Berezutski oo dhaawac ah.

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=38019

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 10 2014. Filed under Sports News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Added