|

Jose Mourinho: Uma Ciyaareyno Inaan Barbareyno Rikoorkii Guuldarro La’aanta Arsenal.

Jose-Mourinho-Wallpaper-HD-2Chelsea muhiimadeeda ma ahan inay jabiso xilli ciyaareedkan rikoorka guuldarro la’aanta Arsenal, sidaasi waxaa sheegay Jose Mourinho.

Kooxda Blues ayaa lix dhibcood ku hogaamineysa horyaalka Premier League welina wax guuldarro ah ma soo gaarin 13 kulan oo ay ciyaareen iyagoo durbaba booqday Etihad Stadium, Old Trafford, Anfield iyo Goodison Park.

Waxaana bilowgooda fiican ay keentay in la soo jeediyo in Chelsea ay awood u leedahay inay barbareyso rikoorkii kooxda Arsene Wenger ay xilli ciyaareedkii 2003-04 ku qaaday horyaalka iyadoo aan laga badinin 38da kulan.

Laakiin Mourinho ayaa qirtay in ciyaartoydiisa aysan ka fekereynin suurtogalnimada ay ku dhigaan taariikh, waxaana uu sheegay inay dhaawici karto hamigooda horyaalka haddii ay ku waashaan inay sii ahaadaan kuwa aan laga badinin.

“Uma maleynayo inay macquul tahay in lagu sii negaado guuldarro la’aan.” ayuu Mourinho u sheegay suxufiyiinta.

 

“Tan kale uma ciyaareyno sidaas.

“Haddii aad taas u ciyaarto oo aad ka dhigato muhiimadaada waxaad malaha barbaro galeysaa kulamo badan, mana isku dayaysid inaad riski qaadato oo ciyaaraha badiso. Kaliya waxaad ku faraxsanaaneysaa inaan lagaa badinin.

“Haddii aad barbaro gasho 10 kulan, waxaad heshay 10 dhibcood. Laakiin haddii aad badiso shan kulan islamarkaana lagaa badiyo shan kulan waxaad heysataa 15 dhibcood. Waxaan dooranayaa 15 dhibcood oo la iga badiyo kulamada qaar halkii aan 10 dhibcood heli lahaa anigoo la iga badinin.

“Uma ciyaareyno barbaro, waxaan u ciyaareynaa inaan badino.”

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=37648

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 3 2014. Filed under Sports News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed