|

Ronaldinho Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababtii Uu Isaga Diiday Man United Daqiiqadii Ugu Danbeysay Uguna Biiray Barcelona.

RonaldinhoXiddigii hore ee Brazil Ronaldinho ayaa faahfaahin ka bixiyay sababtii keentay inuu daqiiqadii ugu danbeysay ka laabto heshiiskii uu ugu biiri lahaa kooxda Manchester United 2003dii oo uu ugu weecday kooxda Barcelona.

Ronaldo ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Barcelona Sandro Rosell inuu ka dhaadhiciyay inuu ku biiro kooxda Camp Nou ka dhisan.

“Wax walba waa ay qurux badnaayeen waxaana ay ku dhaceen si dhaqso badan. Saaxiib igu weyn ayaana markaas xubin muhim ah ka noqonayay madaxda Barcelona waxaana uu ahaa Sandro Rosell.

“Ka hor inta aysan dalabyada ii imaanin waxa uu i weydiiyay haddii aan u ciyaari doono Barcelona marka ay ku guuleystaan doorashada oo uu noqdo madaxweynaha, waxaana ku iri haa.

 

“Waxaan ku sii socday Man United waxaana kaliya ka harsanaa faahfaahino yar in la dhameeyo heshiiska. Laakiin daqiiqadii ugu danbeysay waxaa i soo wacay Rosell oo ii sheegay inay ku guuleysan doonaan doorashada. Taas ayaana wax walba ka dhigtay inay u dhacaan si dhaqso leh.

“Waxaan doonayay inaan u ciyaaro Barcelona. Markii aan heshiiska saxiixay ma aanan dareemin wax cadaadis ah. Waxaa dareemay farxad. Waxaan heystay fursad ay rabeen ciyaartoyda oo dhan oo ah inaan u ciyaaro koox u weyn sida Barcelona.

“Waxaan heysta fursad aan ku raaco wadadii ay mareen halyeeyadeyda. Sharaf ayay ii aheyd inaan ku ciyaaro meel ay ku soo ciyaareen Romario, Ronaldo iyo Rivaldo, waxaana heystay fursad aan ku noqdo ‘R’ cusub ee Barcelon. Waana jeclaaday taas.”

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=37644

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 3 2014. Filed under Sports News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Added