|

Tababaraha kooxda Real Madrid Oo Ku Faraxsan Iskoorka Cusub Ee Uu Gaarsiiyay Real Madrid.

Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay iskoorka cusub ee uu gaarsiiyay kooxda ree Spain.

Ancelotti ayaa Real Madrid ku hogaamiyay guushii 19-aad oo isku xiga tan iyo markii ay guul daro ka soo gaartay kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka Laliga.

Carlo oo saxaafada lahadlay kadib kulankii Ludogorets ayaa yiri:

“Waxaan gaarnay guul fiican oo aan larumaysan karin, ma ahan wax fudud in ciyaartoyda ay kulan walba diyaar u ahaadaan guul, waan ku sii socon doona wadadaan, waxaana isku dayi doonaa inaan kulan walba isugu diyaarino sidaan oo kale”.

Real Madrid ayaa sabtigii soo barbaraysay rikoorkii Barcelona ee 18 guul oo isku xigta lakiin xalay ayeey 4-0 ku qaarijiyeen kooxda Ludogorets taas oo keentay inay sameeyeen rikoor cusub.

Ancelotti

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=38015

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 10 2014. Filed under Sports News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed