|

Waa Maxay Sababta Kor U Qaaday Heerka Ronaldo? Ancelotti Ayaa Ka Jawaabaya.

ronalndo-and-AncelottiTababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay heerka Cristiano Ronaldo oo kor u sii kacaya wuxuuna shaaciyay sababta keentay in laacib kaan uu sameeyo horumar joogto ah.

Ronaldo ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 201 ee uu ka dhaliyo Laligaha Spain taas oo keentay in tababare Ancelotti uu si wayn u amaano xiddiga haysta laacibka aduunka.

Ancelotti ayaa yiri: “Inaan haysano Ronaldo waa amaan gooni ah, si wanaagsan ayuu u ciyaarayaa waqtigaan la joogo, wuxuu ku jiraa heerkiisii ugu sareeyay ee jir ahaan iyo xirfad ahaan”.

Carlo Ancelotti ayaa la waydiiyay sababta keentay in Ronaldo uu gaaro heerkaan wuxuuna u sheegay saxaafada in laacib kaan uu helay awood jir ahaaneed oo aad u saraysa wuxuuna intaa ku daray in taasi ay tahay sababta ka danbaysa horumarka Ronaldo inkasta oo Laacib kaan uu ku sii socdo sanadkiisii 30-aad

ronalndo-and-Ancelotti

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=37811

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 7 2014. Filed under Sports News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed