|

Xulka Gabdhaha Djibouti Oo Si Dirqi Ah Looga Qaaday Koobkii Jaamacadda Carabta

Doha (XNN)-Iyadoo markii ugu horreysay taariikhda xul kubadda cagta oo gabdho ah oo ka socda dalka Djibouti ay ka qeyb galeen tartan dibadda ka dhacaya ayaa waxaa habeenkii xalay gabdha 17-ka sano ee Djibouti si nasiib ah looga qaaday koobkii Jaamacadda carabta markii 1-0 guushu ku raacday gabdhaha Lubnaan oo ay Final-ka isku arkeen.

Goolka laga dhaliyey xulka Djibouti ayaa yimid daqiiqadii 10-aad ee cayaarta, waxaana Lubnaan oo aad u soo diyaar garowday u saxiixay Haneen Tamim, iyadoo fursado dhowr ah ay heleen Djibouti, laakiin nasiib daro aysan u suurta gelin inay gool dhaliyaan, waxaana jirtay in Gool-kulaad laga dhigey ay bad-baadisey goolhayaha Djibouti.

Labada xul ee Lubnaan iyo Djibouti ayaa kahor inta aysan imaanin kama danbeysta waxay isku soo arkeen qeybta Guruubka oo kulankoodu kusoo dhammaaday 2-2, taasoo ay labadoodu kasoo bexeen Guruubka, waxaana jirta in Lubnaan ay 7-0 uga soo badiyeen dalka martigelinta leh ee Qatar, halka semi final-ka Algeria oo reebeen. Gabdhaha Xulka Djibouti ayaa si wayn loogu ammaanay tartankaasi iyo cayaar wanaagga ay soo bandhigeen, maadama ay Qatar soo garaaceen, sidoo kalena Semi final-kii Falastiin ku garaaceen 1-0,

waxaana la qiray in gabdhaha Djibouti mustaqbal wanaagsan ku leeyihiin kubadda cagta, sanadaha soo socdana haddii la dhiiri geliyo ay wacdaro ka dhigi doonaan tartammada dibadda ee ay ka qeyb geli doonaan.

Tartankan lagu soo gabo-gabeeyay Grand Hamad Stadium ee caasimadda Qatar Doxa ayaa ah midkii ugu horreeyey ee noociisa ee loo qabto xulalka gabdhaha U-17 ee dalalka Jaamacadda carabta, waxaana aas-aasay xiriirka kubadda cagta carabta ee loo soo gaabiyo (UAFA).

Daqiiqad kaddib markii ay ciyaarta soo dhammaatay ayaa Gool FM waxay telfoonka Doxa kula xiriirtay Weriye ku sugan garoonka oo lagu magacaabo Cusmaan Indhoos oo ka tirsan Royal TV

3710

1

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=39083

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Feb 24 2015. Filed under Sports News, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed