|

Sepp Blatter Oo Xilka madaxweynaha Ururka FIFA Iska Casilay Goor Dhow

Sepp-BlatterMadaxda sare ee Xiriirka Kubadda Cagta adduunka ee FIFA ayaa maanta oo Salaasa ah qabtey shir saxaafadda caalamka la isugu yeerey, shirkan oo la filaayey in FIFA ay ka hadli doonaan musuq-maasqua hareeyey FIFA, iyo halka FIFa u jiheysanayso kadib fadeexadii soo baxay ayaa waxaa ka dhacay arrin la yaab iyo fajac caalamka ku noqotey oo ahayd mid aan la sugeyn.

Sepp Blatter ayaa ka sheekeeyey shaqaooyinkii uu FIFA ka soo dhex qabtey 40-kii sano ee u danbeeyey iyo jacaylka uu u qabo, wuxuu sheegey in laga soo gudbey doorashadii lakiin caqabadihii ay taagan yihiin una baahan yihiin in la wajaho.

Ugu danbeyntii Blatter ayaa sheegey in uu xilka iska casilaayo kaas oo loo doortey maalintii Jimacada (29-05-2015), inkasta oo uu xilkan hayey 23-dii sano ee u danbeeyey. Blatter ayaa sheegey in qofkii bedeli lahaa lagu dooran doono shir kale oo dheraad ah ama deg-deg ah.

Is-casilaadda Blatter ayaa imaanaysa kadib markii joornaalka afka dheer ee New Yor Times qorey in ninka gacantiisa midig ah Blatter oo lagu magacaabo Jérôme Valcke qudhiisa lagu hayo caddeymo in uu laaluush qaatey taas oo gaareysa 10 milyan oo dollar, lacagtaas oo ka timid Koonufr Afrika si ay u xaqiijistaan Ciyaaraha Adduunka in dhulkooda lagu qabto sanadkii 2010. Jérôme Valcke ayaa ah Xogahayaha FIFA, eedeynta loo jeediyey Xoghayihiisa ayaa la aaminsan yahay in ay lugaha la geleyso Sepp Blatter oo qudhiisa baritaano ku socdaa.

Todobaadkii hore ayaa ciidamada Boliska Swiss-ku xireen 7 kamid ah saraakiisha u saraysa FIFA kuwaas oo lagu eedeeyey Musuq-maasuq waxaana dacweeeyey dalka Maraykanka.

Blatter ayaa dhegaha ka fureystey is-caislaad loo jeediyey markaas iyo in aanu isu sharaxin xilka Madaxweynaha FIFA markii shanaad marka la eego sida Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA u qaybsantey, waxaana la hubey in uu guuleysanayo markii shanaad.

Isku soo duuboo is-casilaadda Sepp Blatter oo ah 79 jir ayaa ahayd mid aanba loo fadhiyin, su’aasha u weyn ee la is weydiinayo ayaa ah maxaa hadda sababey!!?

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=40309

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Jun 2 2015. Filed under Sports News, wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed