|

GAASHAANBUUR NIN WAAYEY AYAA WAX KA SHEEGA!

u_83661d_2012-12-2-17-58-28f_xareedSiyaasaddu sideedaba waa mabda’ iyo dan. Mabda’a ayaa DAN qaran lagu dhisaa. Danwadaag baa loo noqdaa. Axsaab baa loo furtaa. Isbahaysi iyo gaashaanbuuraysi xisbi ayaa doorasho lagu raadiyaa. Cod baana lagu kala baxaa.
 
Danwadaagta axsaabta Somalilandna mid dabaqadeed ma aha sida Yurubta oo kale. Waa ku dhisan isbahaysi iyo gaashaanbuuraysi beeleed. Laakiin, ninkii shareerayaa, wadaraysi degaameed ku sheegaa! Hadal sheegis iyo shareeris waa isla tebin. Runta haddii aan ka abaarnana, xiddidka hoose waa ISBAHAYSI reereed! Dusha guudna, waa GAASHAANBUURAYSI beeleed! Xisbi walbana taas waa og yahay. Is-xulafaysigaas ayaa doorashada lagu gelaa, codna lagu kala ku raadsadaa! Xisbiyadana, waxa ay guushu raacdaa is gaashaan buuraysigiisu codka wadareed ku badiyo — Bari, badhtame iyo Galbeedba. .
 
Ararta waxa aan uga gol leeyahay, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirkeenna Maaliyadda, madal-ka-sheegeeda ereyga “Gaashaanbuur” DHAQAN ahaan saluug ma leh oo waxa ay u tahay xertii Macallimuu GAARIYE iyo Mucallimuu GALAAL ee Lafoole. Siyaasad ahaanna, ma surmo-seejin oo waxa ay u tahay waayo-arag iyo xerta Macallimuu SILANYO!
 
Su’aashuse waxa ay tahay: Maxaa looga qaylinayaa RUNTA Wasiir Samsam Cabdi Aadan madal ka sheegtay? Ma goosankii “GAASHAANBUUR” ku riyooday ee ISBAHAYSI dhaafi waayey ayaa ka ficil-hinaasiyaya? Mise waxaa ka gubanaya raggii “DHAB LIBAAX” ku riyooday ee “DHAB DAWACO” ka soo toosay maalintii ay Muumin Seed daaqadda ka saareen? Mise waxaa lagu haystaa rag baa ay dhaaftay oo siyaasadda ka dheeraysay?
 
Runtu fanto ma aha! Nin GAASHAANBUUR siyaasadeed orod ku waayey, afna ku heli waayey ayaa LIBINTA u quudhi la’ marwada, madaxweyanaha, musharaxa iyo gaashaanbuurta KULMIYE ee madasha fadhiday — ee lahaa wasiirro, siyaasiyiin xisbi iyo odayo dhaqameedba.
 WQ HARED ODAH

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=44977

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Nov 30 2016. Filed under Articles. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Added