|

Beesha Cimraan oo codsatay in madaxtooyada Somaliland iyo waxgaradka Habarjeclo si degdega wax uga qabtaan colaadda tuulada Gunbur-Libaax.Qaybtii 1aad.

jacob-hasanBismillaahi Raxmaani Raxiim

KU:   madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland
          Axmed Maxamed Maxamuud ” Siilaanyo”
KU:   Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha
         Yaasiin Maxamuud “Faratoon”
OG:   Golaha Guurtida Somaliland
OG:     Salaadiinta iyo Hogaamiye dhaqameedka
                 Soomaaliland iyo Culimadaba.
Ugu horrayn marka lawada akhriyo 3da qaybood ee uu
maqaalkani ka kooban yahay waxaa laga codsanayaa
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud
Siilaanyo iyo lataliyayaashisa rasmiga ah ee madaxtoyada
joga e kala ah 1) Marwada madaxweynaha Aamina-weris
2)Muuse Biixi 3)Maxamed Kaahin 4)Maxamuud Xaashi
 5)samsam 6) Baashe Cawil  7) Cali-marreexaan inay
shaqaaqada iyo caddaalad darrada waddanka ka taagan
ay wax ka qabtaan oo ay Tulada Gunburlibaaxna arinkeda
soo farageliyaan oo aanay cid danbe ku hallayn haddii
kale waddanku iyagoo madaxtooyada jooga ayuu kudul
dumayaa oo kudul burburayaa ilahayna iyaguu waydinaya.
Halkan waxaa si faahfaahsan ugu cad xaqiiqda dhabta ah iyo
arrinka ka danbeeya shaqaaqada iyo shidada ka taagan tuulada
Gunbur-libaax  oo markii arrinkeeda ay dawladda somaliland
dayacday ee waxba laga qaban waayey dawlad , Guurti ,culimo
madaxdhaqameed ay ugu danbayn 30-11-2016 uu ka dhacay dagaal
kaasoo gaystay dhimasho iyo qasaare kaleba. Tuulada Gunbur-Libaax
waxay Burco ka xigtaa koonfur-Bari qiyaastii 40 km.Horena waa loogu
wargeliyay dawladda somaliland , hadday tahay heer degmo , heer
gobol iyo xataa dawladda dhexe iyo madaxtooyaduba waa ogyiin
waxaana halkan kaga bogan doontaan xaqiiqda dhabta ah marxaladaha
uu soo maray dagaalka ka taagan Gunbur-libaax iyadoo saxaafadda
somaliland aad wax uga qoraysay maalmihii u danbeeyay geerida iyo
shaqaaqada halkaa ka dhacday Maqribnimadii arbacadii 30-11-2016.
Waa kuwan dacwadihii iyo cabatinkii iyo digniinihii ay beesha
deegaanka Gunbur-libaax ee Cimraan sheikh Isxaaq u gudbiyeen
dawladda somaliland heer kasta oo ay tahay ilaa madaxtooyada
lagasoo bilaabo 1-7-2015 ilaa markuu dagaalku dhacay 30-11-2016
iyadoo beeshaasi cod dheer ku sheegtay in fitnada iyo gardarada
iyo colaadda iyo cunaqabataynta iyo go,doominta tuuladaa iyo
beesha Cimraanba lagu hayo laga joojiyo oo fitno iyo dhiigdaata laga
hor tago oo dawladdu sicad usoo farageliso , dhegse jalaq loomasiin
oo waataa maanta 30-11-2016 waxaanu ka digaynay ka dhacday
Tuulada Gunbur-Libaax ee inta walaalahayo oo aanu tol iyo xidid iyo
dhaleeyoba nahay ee Gaashaan-buur Axmed Faarax intay 4 gaadhi
oo ciidana kagasoo bexeen Tuulooyinka ku xeeran Gunburlibaax ee
Geeddihaan iyo Naqdhabiijo iyo kuwo kaleba ay weerar kusoo qaadeen
tuuladii oo maanta uu maydku dhexyaal 30-11-2016 waa nasiib darro.
Arrinka  colaadda  iyo gardarada GUNBUR-LIBAAX iyo CIMRAAN ay
ku hayaan guud ahaan Beesha MUUSE SHEKH ISXAAQ ee ay walaalaha
yihiin isku bahdana yihiin ee Allianceka ama Gaashaanbuurta HABAR-
JECLO WEYNA   ku wada jira , gaar ahaan beesha G. AXMED FAARAX ,
aad iyo aad ayaanu uga xunnahay,waanuna liqikariwaynay arrinkaa.
Run ahaantii Haddaanu nahay Beesha CIMRAAN  ama MAXAMED
SHEIKH ISXAAQ waxaanu ka tirsanaynay godob gaamurtay walalahayo
MUUSE SHEIKH ISXAAQ  waxaad walaalayaal   wada qaadateen
manaasiibtii iyo saamiqaybsigii ay dawladda ku lahayd beesheenna
HABAR-JECLO WEYN,  idinkoo haysta madaxweynanimadii ayaad
haddana waxaad wada qaadateen dhammaan wasiiradii ay beesha
Habarjeclo saami qaybsiga uheshay ,waxaad  wada qaadateen waa
yaabe dhammaan badhasaabadii Habarjeclo-weyn saamiga u heshay
xitaa hal wasiir ama hal badhasaab waa garan weydeen , waar waa
ceebe aan siinno 3da reer ee Habarjeclo weyn inagula jira ee kala ah
CIMRAAN ,SANBUUR iyo REER-DOOD ,waxa taa kasiidaran waa
yaabka yaabkiiye dhammaan shaqaale hoosaadka dawladda
soomaaliland  waa ka qadiseen 3daa reerba  ku dheeraan mayno
arrinkaas waxaanu u aragnaa arrin caddaalada ka fog oo xishoodka
ka fog oo wadadhalashada iyo tollimada iyo alle ka cabsigaba ka
baxsan ,ma carruur ayaad noo haysataan walaalayaal , waanu arkaynay
muddo dheer waxaas ee waanu iska xishoonaynay , xataa tv-yada
ama meelkaletoona arrinkaa kagamaanaan cabanin waanu iska samraynay
sidiinoo kale nafley baanu nahay ,mutacalimiin bilaa camala sida kuwiina
ayaanu leenahay ,dhalinyaro iyo muwaadiniin sida kuwiina bilaa camal ah
ayaanu leenahay , mansabyadii aynu wada lahayn ee wasiirnimada lahaa
ee badhasaabnimada lahaa ee madaxda kale lahaa shaqaalehoosaad
yada lahaa ee derejada ciidamada lahaa ee wax walba lahaa markaad
walaalayaal wada qaadateen  dhammaan iyana waxay sii shaqaalaysiiyeen
oo qudha dhalinyaradii iyo dadkii u dhashay MUSE SHEIKH ISXAAQ
dhamaan annaga waa lanaga qadiyay , shaqaalaha dawladda waana
xaqiiqo jirta waa lays wada yaqaan hadday beenowdo gole ayaanu
soo fadhiisanaynaa idinna soo fadhiista aan garnaqsanno.
Afkiinna mooyaane miyaydaan ,ogolayn in af kale wax galaan !
Waar MUSE SHEIKH ISXAAQOW walaalayaal haddaanu CIMRAAN
SHEIKH ISXAAQ nahay Goddobtaa siyaasadeed ee gaamurtay ayaanu
idinka tirsanaynay oo waanu iska samraynay oo idinka xishoonaynay
oo sida taladu idiinka hoostay ee idiinka hoos baxday waanu la yaabanayn
oo maruunbay walaalihiin is garan oo is garwaaqsan ayaanu lahayn oo
mansabka siyaasiga ahi waa xil iyo cunto , dhacdhac ,iyo lacag ee waxaa
haku hadlina ayaanu is lahayn oo cunto haku hadlina walaalihiin MUUSE
SHEEKH ISXAAQ iyagaa khaladkooda iyo ceebtay sameeyeen is garawsan
ayaanu is lahayn ee iska samra illeyn nin samraa sedkii hela.
Walaalayaal iyadoo godobtaa aanu tirsanayno oo boogtaa xoqanayno
 ayaa Waxaa mar 2aad anfariir iyo u qaadan waa nagu noqday nagana
yaabiyey markii Walalahayo MUUSE SHEEKH ISXAAQ gaar ahaan beesha
 Gaashaanbuur  AXMED FAARAX  noogusoo bexeen miyigii ee ay Tuulada
 GUNBUR-LIBAAX ee aanu degno haddaanu CIMRAAN SHEEKH ISXAAQ
nahay aad soo weerarten oo 4 gaadhi oo maleeshiyo aad u hubaysan oo
 beesha MUUSE SHEEKH ISXAAQ ah oo dhaqaalaha dawladda ee aanu
 kasoo hadalay lagusoo ababulay  oo kasoo kala baxay dhawr magaalo oo
 aad degtaan sida Geeddihaan , Naqdhabijo iyo kuwo kaleba markaana
 aad ku disheen Dad CIMRAAN ah oo tuuladodii iska jooga iyado arinkaana
ay ku lug leeyihii rag ka tirsan madaxda degmada Burco oo ka tirsan isla
beeshiinna MUUSE SHEEKH ISXAAQ  waa Maayarka e.
CIMRAAN ahaan  waxanu u aragnaa haddaan arrinkan wax laga qaban
1) Inuu dhaqso u burburayo is gaashaanbuuraysigii  beelaha 4ta
ah ee  lagu magacaabo HABAR-JECLO  WEYN ee kala ah
   Muuse ,Cimraan , Reer-dood iyo Sanbuur ,
2) In ay Somalilandba guud ahaan dhaqso u burburto waayo
    maanta waxaa hoggaamiya somaliland beesha MUUSE sheikh ISXAAQ
     mar haddii ay walaalohoodii ay isku bahda ahaayeen sidaa ku sameeyeena
     soomaalidu waxay ku maah mahdaa ninkii hooyadii ka guuray , Habaryartii
      uma negaado , soomaaliland xaalkeedu maanta halkuu marayona waynu
      la wada soconnaa dhinaca caddaalada iyo qabyaaladu heerka ay gaadhay.
        Ugu danbayn CIMRAAN wuxuu u sheegayaa Walaalohood  MUUSE
      in marka aad loogu fiirsado labadaa arrin ee aad Cimraan ku
     samayseen  ee kala ah dhinaca mansabka siyaasadda iyo weerarka
   dilka aad ka gaysateen Tuulada GUNBUR-LIBAAX  waxaanu ku sheegno
oo kale garan maynno  ee waxaanu uun idin leenahay walaalayaal
 maradii ayaa idinka dhacday ee sidan si isugu dhaama oo qabsada , mee
 taloqabeenkiinii meeday guurtidiinii , meeye salaadiintiinii ,meeye
culimadiinii , magacxumo intaasaa idiinku filane is daba qabta , weligayo
idinlamaanu hadlin oo runta  idiinmaanu sheegin ee idinkaa hadalka naga
keenay , dheriga karka kulaylka ayaa ka keena , MAYD ayaa maanta
 GUNBUR-LIBAAX noo yaal 30-11-2016. waxaad nagu disheenna ma
garanayno , Hooyada maydka aad gunburlibaax ku disheen dhashay ee
 maanta 30-11-2016 ka dul barooranaysaa waa idinka oo waa MUUSE
SHEEKH ISXAAQ  oo waa AXMED FAARAX inantiinii ayaa maanta
  GOBLAN ka dhigteen waa taas guusha aad maanta gaadheen.
Anaga qudhayadu idinkama fogin oo islamnimo , tollimo ,bahnimo
 xididnimo,gacalnimo ,derisnimo intuba way innaga dhaxaysaa oo
waxaaba la odhankaraa dhiiggaa isugukeen jira , walaalayaal ilaahay
baanu idinku dhaarinnee Muuse sheekh isxaaqow gaar ahaan  G.
Axmed Faaraxow intaa midna maydaan xeerin ee maxaa idinku
dhacay ! waar raggiinii hore waxbay xeerin jireen ee ilbaxnimadii
iyo magaalo galkii iyo cilmi barashadii iyo culimo noqoshadii ma
tan maanta aa lasoo baxdeen bay dhashay ! walaalayaal dibisugu
noqda 2016kii ayaynu maraynaa adduunyadu halka ay marayso waa
aragtaan taariikh madow ayaa ka hadhaysa waxan aad tuulada
GUNBUR-LIBAAX iyo CIMRAANKA dega ku waddaan ee isdabaqabta.
       Runtii  dilka foosha xun ee maanta 30-11-2016 ay MUUSE SHEEKH
      ISXAAQ , AXMED FAARAX , oo u badan REER BINIIN ay u gaysteen
      wiilka ay inantoodu dhashay ee ka tirsan CIMRAAN SHEEKH ISXAAQ
      waxay CIMRAAN soo xusuusinaysaa qiso naxdin iyo anfariir lahayd oo
       oo ka dhacday inta u dhaxaysa  Tuulada Ceeldheere iyo Nageegir
        oo dhinaca woqooyi ilaa 25-30km ka xigta Burco sannadkii lagu
      magacaabi jiray XAARAAMA -CUNE ee 1914 .
      Qisadu waxay ahayd nin reer BINIIN ah oo  ka mid ahaa awowyada
     kore ee uu ku abtirsado Mayarka magalada Burco Maxamed Muraad
     oo la odhan jiray Xasan Dhuuryo ,ayaa waxaa la xidid ahaa oo labadisa
    hablood qabay laba wiil oo walalo ahaa oo CIMRAAN aha oo uu weliba
    abtina u ahaa meeshu miyibay ahay labada wiilna waxay la deganayen
   sodogood ,xoolo badana way haysten markaa abaar xun ayaa dhacday
   oo logu magac daray Xaaraama-cune waxaase uu soddogii reer BINIIN
   sameyey  intuu rag u yeedhay xigtadisa ah ayuu soo qabtay labadii wiil
    ee uu soddoga iyo Abtigaba u ahaa mid ka mida oo wuu gawracay !!!
    ( Innaa lillaahi , wa innaa ilayhi raajicuun ) , kii labaad ayuu haddana
    soo qabtay si uu u gawroco , markaa waxaa dhacday in inantiisii uu
  dhalay ee ninkan CIMRAN ee uu gawracayaana qabay aya intay maradii
  iska tuurtay isku duubtay ninkedi uu aabeheed rabay inuu gawroco ! oo
 ku dul barooratay oo ku muusanowday bal inuu aabbeheed xitaa
qaawanideeda  ka sarriigto oo ka xishoodo oo noxo oo u jiidh debco oo
aanu ninka ka gowricin  waxaase uu odaygii inan tiisii ku yidhi: markii aad
yaraydba waan ku arki jiray adigoo qaawan” ! dhinac ayuuna isaga tuuray ,
oo markaa ninkeediina halkaas ayuu ku gowracay !!! ( Innaa lillahu , wa
innaa ilayhi Raajicuun )  Sababta uu wiilasha u gowracayna waxay ahayd
 oo qudha inuu xoolohooda qaato markuu dilo ,sidii ayuuna sameeyay
 oo xoolohoodii ku qaatay maadaama ay dhacday abaar xun oo dadku
aanay xaaraan iyo xalaal ba kala jeclayn waana sababta abaartaba loogu
 bixiyey Xaaraama-cune.
 Caaqilkii ugu magaca weynaa beesha Habarjeclo ee lagu magacaabi jiray
 Yuusuf Xirsi ( Caaqil-yare ) oo ahaa cheif caaqilka cimraan ayaa qisadii loo
 sheegay , markaa intuu argagaxay ayuu gabay yar oo afarrey ah u tiriyay
 odaygii labada wiil   gowracay, ee la odhanjiray XASAN DHUURYO
wuxu yidhi ( Xasan-dhuuryo  igadh buu ka dhigay ooryuhuu dhalaye )
Markaa kanina waa gabay yar oo cabiraya Mayarka Burco Maxamed
Muraad, go,doonka, weerarka iyo colaada uu ku hayo Tuulada
Gunbur-libaax iyo Cimraanka walaalihiisa ah ee deggan.waxa
tixdu ku bilaabmaysaa gabadha ama hooyada dhashay wiilka
Cimraan ee lagu dilay gunburlibaax oo ay ilmaadeer yihiin isla
maxamed muraad hooyadaasoo ah beesha Abbokor Axmed.
” Goblan buu ka dhigay ” ina Muraad,  gabadhi reerkooda
“Gunburaa markuu weeraree , aanu Gacal eegin
” Ee uu sharcigii geesmaraa , gobolkii aafoobay
” Go`doonbuu ka dhigay tuuladii , gaanka Falastiine
“Giddi  Hay`adiibuu ka jaray , jeer gargaar wadaye
“Guddidii Abaaruhuna , way garab maraayaane
“Gadbad raashiniyo ,Booyad qudha galabta muu gayne
“Siday gaalo yiin , buu Taakulada uga giriifaaye
“Gaajiyo harraad buu ku dilay , Reer Gunburihiiye
“Guluf iyo colaad buu , misana soo gingimayaaye
“Gacalkii CIMRAAN buu ku xidhay geed qudhaanjo lehe
“Xasan-Dhuuryo geddii uu falay , Ina Muraad gaadhye
“Gartaa Habar-Jecliyo , Dawladdaa loo gudbinayaaye
Fiiro gaara : qisadani waa qiso dhaba ,oo dhacday oo ay ogyihiin
 muuse sheekh isxaaq  iyo cimraan iyo guud ahaan Habarjecloba.
 markaa qisada dhacday 1914 waxay shabahdaa oo anu kuso xususanay
qisadan maanta 30-11-2016  ka dhacday GUNBUR-LIBAAX ee ay isla reerki
reer BINIIN ee xasan dhuuryo ka dhashay ay ku dileen wiil CIMRAANA oo
ay inantodi dhashay,the history repeats itself tarikhdu iyada dib isuso celisa
Waxaa yaable oo qisadan inasoo xusuusiyay , waa boqolguuradii
markii ay qisadaa hore dhacday oo waxa hadda kasoo wareegay 100
sano iyo 2 sano oo hadda waxaynu ku jirnaa 2016 kii , waqtiguna waa
abaar aad u xun oo la yaaban yahay aanse weli magac loo bixin , odaygii
 qisadaa hore  ee yaabka lahayd sameyeyna waxaa maanta ka dhigan
oo booskiisii buuxiyay 2da nin ee ka danbeeya ee ababulay coladda iyo
shaqaaqada ka taagan tuulada GUNBUR-LIBAAX , shaqaaqadaas ,iyo
weerarkaas ceebta iyo argagixisada ahaa oo uu ku nafwaayey wiil ay
iyaga inantoodii dhashay oo cimraan ah ,2daa nin waxay kala yihiin
 Maxamed Muraad oo ah Maayarka Burco iyo Baroon ninka lagu
magacaabo  oo ay ilmaadeer yihiin , waa nin reer burco ah oo la yaqan
 oo ilma  Indhodeero adhiga u iibiya , tuulada Gunburlibaxna qori dable
ayuu kula wareegayey sannadihii ugu danbeeyeyba  , horena dawladda
 waa loogu sheegay , laakiin waa yaabe ,dawladda loo sheegayna
waxay noqotay ninkaa maayarka Burco ah ee isaguba kiiska kula jira !
markaa arrinku wuxuu noqday xikmaddii soomaaliyeed ee ahayd
(  Eelka kii dhigay ,ee carrada rogay u dacwootooy ! )
Qisada labadan nin ee ilmaadeerka ah ee uu mid yahay maayarka
Burco iyo beesha Cimraan ee degta Gunbur-libaax iyo beesha kale
ee ay walaalaha yihiin ee G. Axmed faarax soo kala martay 2dii sano
ee udanbaysay waa 2015kii iyo 2016kan hadda sii dhammaanaya
ee ku saabsanayd Qilaafka Gunbur-libaax iyo wixii laga qoray 2daa
sano iyagoo faahfaahsan iyo marxaladihii ay soo martayba kaga bogo
oo ka akhri qaybtan aakhirkeeda ama qaybta 2aad ee dhacdadan.
  Beesha Cimraan sheikh Isxaaq way ka xuntahay halka ay maanta
somaliland marayso iyo kaladanbayn la,aanta baahday,oo u muuqata
in Somaliland ay burburi doonto waqti aan aad usii dheerayn.
waatan xogtii Gunburlibaax oo dhammaystirani
Fiiro Gaar ah :: Xogtan hoose waxa la qoray oo loo gudbiyay
dawlada iyo saxaafadaba ka hor intaanu dhicin dagaalkii lagu
qaaday tuulada Gunbur-libaax iyadoo aad ku arki doonto
in beesha Cimraan ay hore uga digtay oo ay coddheer ku sheegtay
in ay dawladda iyo hoggaamiyayaasha dhaqankuba ay ka hortagaan
musiibada Gunbur-libaax kasoo socota , cidda fidnadaa waddana
ay dadka walaalaha ,tolka xididka iyo dhaleeyadaba ah ay ka
qabtaan , dhegaha ayaase laga furaystay oo denbiga ugu weynna
waxaa dawladda usoo jiiday oo arrinka hakraday oo dayacay
Badhasaabkii waqtigaa , oo imminka ah wasiirudawlaha amniga ee
wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye iyo
Maayarka Maxamed Muraad oo labadoodu ahaa labada masuul
ee gobolka togdheer ugu sareeya ee xilku kasaarnaa amnigiisa.
 Waatan xogtii iyo Cabatinkii Beesha Ciise Cimraan

waxaanu halkan cabasho iyo ogaysiin xaqiiqooyin qarsoon

ugusoo gudbinaynaa dawladda iyo haldoorka somaliland

annagoo ah beesha Cimraan ( Maxamed sheikh Isxaaq )

Intaa kaddib beesha CIMRAAN ( Maxammed sh  Isxaaq ) oo ka mid ah
beelaha somaliland kuwooda ugu magaca weyn , kuna sifowday
xishood , xaqdhawr , deriswanaag iyo qanaaco  xagga mansabka iyo
saami qaybsiga beelaha somaliland , iyadoo weliba beeshaas aanay
caado u ahayn oo aan looga baran inay warbaahinta ka cawdaan
iyagoo og in saamigoodii dawladda dhexe iyo gobolkaba aan la siin!.
maanta waxaa ku kallifay  cabatinkan arrimo layaab iyo amakaag
ku riday beesha oo ka dhacayay Tuulada GUNBURLIBAAX oo qiyaastii
40 km ka xigta magaalada Burco koonfur bari ,xiisadda oo bilaabatay
qiyasti bishii 8aad ee 2015 , taaganna ilaa maantadan ,waxayna ugu
darrayd bishii 8aad ee 2015 , oo dhawr jeer beelaha walaalaha
ahi ku sigteen in dagaal ka dhex qarxo ,taasoo ugu danbayntii sababtay
in ciidamo badan iyo madaxda gobolka Togdheerba ay ku baxaan oo
u gurmadaan  sidii xasaraddaas ay  u damin lahaayeen.

Faahfaahinta  xiisaddaa   ka taagnayd  tuulada Gunburlabaax
akhristayaasha la socday wayba la socdeen laakiin inta aan
ka warqabin xiisaddaas halkan ayaanu ugu bayaaminaynaa
GUNBURLIBAAX waa tuulo/deegaan  caynkee ah ?
beeshee ku magacaaban inay deegaan ahaan u leedahay ?
xiisaddan ama khilaafkan hadda ka taagani maxuu ka kacay?

Ugu horrayn haddaynu isku dayno inaynu  akhristayaasha iyo
dhammaan umadda reer somalilandba  ugu bayaaminno xaqiiqda
si masuuliyad iyo caddaaladi ku jirto oo dhab ah.

Gunburlibaax  sida laga warqabo  waa tuulo/deegaan
qiyaastii 40 km , koonfur bari kaga beegan magaalada Burco.
waa magaalo dhul dhaaqsimeed , beero shaqo kuma laha hadda.
Waxay caan ku ahayd oo xarun u ahayd ciidamadii Jabhaddii
SNM ( Somali National Movement ) qaybtoodii aagga bari
laga bilaabo sannadkii 1988 markii laga baxay Burco.
Waxaa Haydh-tuulo (maayar) ka ahaa lagasoo bilabo 1950-1975
Bile samatar jaamac ( Bile-yare ) markuu sucuudiga u tacabiray
1976 waxaa  Haydh-tuulo  noqday Faarax Digaale Samatar ,
labadoodubana waa beesha Cimraan , waxay noqdeen
2 mujaahid caan ka ah SNM dhexdeeda sanadihii 1988-1991
waxana saraakiishii SNM ee ay aad saaxiibka u ahaayeen
ee ay Gunburlibaax kusoo dhaweeyeen iyaga iyo ciidankoodaba
ka mid ahaa   kornayladan oo qaarna noolyihin qaarna dhinteen.
Maxamed Kahin ( gudomiye ku xigenka x.kulmiye)
Aadan Saleebaan  ,Cabdiraxman maxamed case ,Cilmi Faqash
Doolaal iyo xitaa  Axmed Siilaanyo (madax weynaha hadda ee SL)
iyo Cabdiraxman Tuur ( Allah haw naxaristo) oo waqtiyadaas
ukala danbeeyey gudoomiyanimada Snm inkastoo aanay iyagu
Gunburlibaax iman , waqtiyadaas dagaaladu socdeen.

Gunbur-libaax  waxa  ku magacaaban  beel ahaan inay
leeyihiin haykalkeeda guud beesha CIMRAAN gaar ahaan
beesha CIISE-CIMRAAN , oo uu ka dhashay  Suldaanka
guud ee beelaha Cimraan Suldaan Maxamuud x. Xuseen
iyo alla hawnaxariistee chief Caqilkii guud ee ugu magaca
waynaa beelaha Somaliland waqtigii  gumaysigii ingiriiska,

oo lagu magacaabi jiray Caaqil-Yare allah haw naxariste iyo
2 da mujaahid / haydh-tuulo  ee aan kor kusoo sheegnay.
waase la wada degaa tuulada oo beelo kale oo beesha
Cimraan la walaal ah ayaa ladeggan tuulada , sida aynu
lawada soconnona  Tuulooyinka waa lawada degganyahay
haykalkooda guudna weligeed beel baa ku magacaaban
oo ummadda reer Somaliland oo dhammi u ogtahay

Tusaale ahaan haddaad maanta wayddiiso madaxweynaha
somaliland mudane Axmed maxamed maxamud Siilaanyo
Gunbur-libaax  beesha deegaan ahan ugu magacaaban
wuxuu markiiba kuugu jawaabi ” Ciise-Cimraan ”
Cidkasta oo Habar-jeclo ahi  sidaasay kuugu jawaabi
tuulo kastana waa lawada degaa reerbaana goonni
u sheegta oo ku magacaaban haykalkeeda guud  , wax

manfac ah oo dheeraadana lagama helo oo tuulooyinku
waa iska dhulkaa miyiga ah ee dhuldaaqsimeedka ah
ee ay beelaha walaalaha ah , xoolohoodu iska wada
daaqaan ee marba tuuladii daaqroon ama roobku helo
laysugu guurayo ee nolosha adag layskaga wada noolyahay
ee waraabaha iyo dawacada iyo habardugaagga kale layska
weheshanayo , waxaana runtii habboon in marhaddi maanta
la marayo 2016 in dadka deegaanka ee walaalaha ahi ay si
aragti dheeri ku jirto u fekeraan oo sidii ay noloshooda ta
ubadkooda iyo xoolohoodaba ku horu marin lahaaheen ka
fekeraan oo iskuul ,saldhig bileys ,rug caafimad iyo hay,adaha
oo lasoo dhaweeyo iyo waxaas ay ka fekeraan oo dawladda
waxay xaq ugu leeyihiin wayddiistaan , may ahayn runtii inay
si taban u fekeraan maamulka degmada burcona may ahayn
inuu dab kasii dhex shido ee waxay ahayd inuu wax la qabto.
Gunbur-libaax  waxaa galbeed ka xiga qiyasti 10 km  tuulada
Geeddi-haan  waxa haykalkeeda guud ku magacaaaban oo
iska leh beesha  Reer-Biniin  oo ka mida ( G. Axmed-Farax)

Koonfur waxaa ka xiga  2 tuulo sida: Beeli-Eedday waxana
haykalkeeda guud ku magacaaban  beesha Abbokor-Axmed
( Gaashaan-buur  Axmed-Farax)beelahan walalaha xididka
iyo dhaleeyadaba ah ee g. Axmed farax iyo Cimraan
way wada degaan , cidina iskuma haysato , xiisad iyo

khilaaf  iyo caloolxumo midna kama taagna hadda.
Beeli-eedday  waxa iyana kusiixiga degmada War-Cimraan
oo iyana haykalkeeda guud ay ku magacaaban tahay oo ay
leedahay beesha Cimraan,beelahan walalaha xididka
iyo dhaleeyadaba ah ee g. Axmed farax iyo Cimraan
way wada degaan , cidina iskuma haysato , xiisad iyo
khilaaf iyo kala aamus midna kama jiro hadda
.Koonfur bari waxa ka xiga ilaa  qiyaastii 15 km, tuulada
Anteero , oo haykalkeeda guud ku magacaaban yahay
beesha  Cimraan  wayse wada degaan labadan beloodba
dhibna kama taagna oo waa lagu wada nool yahay

Woqooyi waxa Gunburlibaax ka xiga tuulada Naq-dhabiijo
waxana haykalkeeda guud ku magacaaban oo iska leh
beesha Reer-biniin  ee G. Axmed-Farax ,beelahan walalaha xididka
iyo dhaleeyadaba ah ee g. Axmed farax iyo Cimraan
way wada degaan , cidina iskuma haysato , xiisad iyo
khilaaf  iyo isu calool xumaan midna kama jiro.
Bari waxa ka xiga oo kayara durugsan ilaa qiyastii 20 km
degmada Qoryaale oo haykalkeeda guud ay ku magacabantay
oo leedahay beelo ka kala tirsan   Gaashaan buur Axmed-Faarax,
beelahan walaalaha xididka iyo dhaleeyadaba ah ee g. Axmed
farax iyo Cimraan way wada degaan , cidina iskuma haysato ,
xiisad iyo khilaaf  midna  kama jiro.

Akhriste  waan kaa raalli gelinayaa maqaalka oo dheer
awgii , laakiin waxaad ogaataa waa tusaalayaal  dhab ah
oo maqaalkan looga fursan waayay , wanaag  ayuunbaana
looga jeedaa ilaahay ayaa nagu og , tuulooyinka dalkeena
intooda badanina  waa sidaa oo kale , bal idinba aad ugu
fiirsada , umadduna waa iswada taqaan oo muddo dheer
ayay dhulka iyo deegaamada ku wada noolaayeen.
dhamaadka maqaalkana waxan kusoo qaadan doona
macnaha aayado quraan ah iyo axaadiis saxiixa oo
deedafaynaya fitnada iyo dagaal dhexmara muslimiinta.

rasuulkuna csw wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya qabyaalada
” ka taga ,( qabyaaladda) iyadu way uraysaaye “”
Haddaba akhriye  waatan xogta iyo xaqiiqada ka
danbaysay xiisadda iyo colaadda ka taagnayd
deegaanka Tuulada GUNBUR-LIBAAX. oo
qiyaastii 40 km ka xigta koonfur-bari Burco.

Gunbur-libaax  waxa  haykalkeeda guud ku magacaaban oo
iska leh   ilaa abid  intii ay jirtay beesha  CIISE-CIMRAAN oo
ka tirsan beelwaynta ” Maxamed sheekh Isxaaq ( Cimraan )
Waxa  kaloo ay magaalada wada degaan  Raasas kale oo
ka tirsan beesha  G. Axmed-Faarax siiba beelaha :
Reer-biniin , Abbokor-Axmed iyo Reer-Faahiye , oo ay
yihiin dhammaantoodba tol , xidid , dhaleeyo  iyo qaraabo
isuwada abti ,habaryar iyo seeddi ah, kasoo qaban maysid
guri ka mida labadaas beelood (g. Axmed Farax iyo C-Cimran)
oo aanay ku noolayn xubno ka tirsan beesha kale ,haddii la
helona waa farkutiris , mana aha Gunbur-libaax oo qudha
ee waa meelkasta oo ay deganyihiin ama abti ayaa loo yahay
ama habaryar ama waaba qof dumara oo udhaxday , xitaa
qurbaha waa sidaas oo way isasoo abti iyo habaryar
dhoofsadaan oo sida laysu hayn dhaamo ayaa laysu
saacidaa oo laysu dhaqdaa oo laysu korsadaa.
Waana gob iyo caadadeed arrinkaasu.

Lasoco Q.labaad

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=45023

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 21 2016. Filed under Articles. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed