|

Bismilaahi Rahmaani Raxiim

ogayssBismilaahi Rahmaani Raxiim Waxa dhamaan ururwaynaha MG GROUP uu ogeysiinayaa dhamaan qurbajoogta ku dhaqan dalka UK ee ka soo jeeda beelwaynta Makaahiil inuu qabsoomi doona shirwaynahii beelwaynta Makaahiil ee ku nool wadanka UK, shirkan oo ah mid aad loo soo agaasimay isla markaana kulmin doona beelwaynta Makaahiil ee ku nool dhamaan gobolada iyo degmooyinka uu ka kooban wadankan UK. Shirkan oo diirada lagu saari doono Baraarujinta, Midaynta iyo Horumarinta beelwaynta Makahiil ee degta manadaqada Geeska Afrika iyo dibedaba. Shirkan ayaa ah mid kulmin doona beelwaynta qaybaheeda kala duwan sida culimada, waxgaradka, aqoonyahanka, haweenka iyo dhalinyarada. Haddaba waxaa habboon in aan la dhayalsan xilna la iska saaro haduu Allah yiraahdo. Goobta iyo wakhtiga uu shirku dhacayo waa sidan:- Dominion Centre 112 The Green Southall UB2 4BQ Maalinta : 16/12/2016, 5pm ilaa 10pm Wixii faafaahin ah ee intaas dhaafsan waxaad kala soo xidhiidhi kartaa telefoonadan hoosta klu qoran: 07576788876, 07415558209, 07861388517, 07931778479, 07492117820 Wa Billaahi Towfiiq

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=45000

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 14 2016. Filed under Articles. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed