|

Doorashada SONYO wiilka adeeradii madaxtooyada iyo guurtida u sareeyaan yaanu isla dhererin musharaxii la han jabiyey kal hore ! sababahan qormada dartood.

khadar70%  dimuqraadiyada  dalkastaaba  uu  hirgaliyaa  karaankiisa  marka  loo  eego  inta  la  dhacday  qaadashada  nidaam  siyaasadeedkaasi  wadamada  dunida  ku  baahsan ;  halka 30%  soo  hadhay  ay  ku  dabaqaan  ( dhaqamadooda  iyo  caadooyinkooda  hoose  ee  u  gaar  ah  wadan  kasta !!).  Somaliland  si  qurux  iyo  xarago  badan  ayey  u hirgalisaa  mabda’  dimuqraadiyada  heer  heer  dhan  70%  halka  30%  soo   hadhay  loo  eegayo  kitaabka ( dhaqanka,  qabiilka,  mudnaanta  kaalka/doorka,  iyo  maan-galnimada  cida  mudan , wakhtiga  mudan  iyo  meesha  mudan ).

Faham  la’aanta   jirta  awgeed  ee  ku  wajahan  nidaamka  dimuqraadiyada  waata   ka dhawaajisa  dadka   in  badan ( qabiil  iyo  dimuqraadiyad  meel   ma  wada  galaan!!).

 

Waji   gabax,  Laf-jab  iyo  wax  ku  fool-xun  dadnimada , dadkan  iyo  dalkan   dhalinyaradiisa   noqonaysa  hadii  ay  dooran  waayaan  murashaxii  hanqalka  la  kacay   kal  hore   ee   la  hanjabiyey  kadib  markii  musharax  reer  Awdal  ah  kursiga  lagu  fadhiisiyey  oo  laf  ahaantiisu  xaq  buuxa  u  la haa   ku  fadhiisiga  kursiga  ugu  sareeya  dalada  ururada   dhalinyarada  ee  jamhuuriyada   somaliland.

C/casiis  xirsi   warsame ( wiil  ka  reer   hargaisa ) oo  falaadh  guul-daro  oo  kal  hore   ku  dhacday  la  il-daran   in   maanta  la  yidhaa  waxa  aanu  kaa  raacaynaa  ( soobaxe  cusub  ama  dhawaan  caashaqe  kursiga  dalada  dhalinyarada  ee  doorkan   mr. C/casiis  siciid  saalax   wiil  reer  berbera);  isaga  oo  waliba  adeeradii   nasiibku  ku  simay  in  ay  ku  fadhiyaan   maanta  kursiga  ugu  sareeya  ee  dalka , madaxtooyada  iyo  guurtida.

Gabagabo: Si  kastaba  ha  a haato  in  raga   la kala  hor  fuliyaa  oo  kaalka  darka  kursiga  loo  eego  qofka   mudnaanta  doorka  maanta   yaa  leh ?  Yaa  ku  haboon ?  sabab  iyo  sidee  ugu   haboon   la  is-weydiiyaa?!!

Tani  waa  masiirka  dhalinyarada  isla  mar  ahaan  ha  la  xubiyo   axwaasha.

Gar  iyo  gardaraba  waa  in  lagu   fadhiisiyaa  kursiga  c/casiis  xirsi  warsame .

C/casiis   siciid  saalax   doorka  dambe    ha   inoo   ahaado.

Labada   nin ba  tixgalin  iyo  qadarin  ayaan  u  hayaa  balse  wakhtiga  iyo kaalka  ayaa  mudnaanta  kala  siinaya ;  iyadoo  ay  jiri  karaan   dano   badan  oo  dhan walba  leh  taasina  ay  badali  karto    aragtida  caqliga  saliimka  ah  ay  sawirayaan.

Nin  jeclaysata  iyo  nin  necbaystaba  tani  waa  tusmo  fikir  aan  kali  ku  ahey;  dadka  inta  aanu  isku  si  wax  u  arkaynaana  wey   mahadsanyihiin.

 

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=45028

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 26 2016. Filed under Articles. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed