|

Sir Culus: Khiyaamo qaran; wasiiro kamida xukuumadda siilaanyo oo kasoo horjeestay ictiraafka Somaliland.

calanMasuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo aan doonayn in magacooda la shaaciyo ayaa debedda dhigay sir culus oo ku saabsan waddan ka mida 5-ta joogtada ah ee golaha amaanka oo wefti usoo diray Somaliland una soo bandhigay in Somaliland ay ictiraafaan iyo masuuliyiintii la shiray oo ishortaagay soo jeedintaa kuna kacay khiyaamo qaran. Xogtii aan heley oo faahfaahsani waatan hoos ku qoran.  Xogtan sirta ah waxay odhanaysaa; dhamaadkii sanadkii 2014, waxa shiray golaha amaanka qaranka Ruushka oo uu gudoominayay, Madaxwaynaha dalkaas, Vladimir Putin, waxa xogtu sheegaysaa in shirkaa lagu lafa guray sidii Ruushku u heli lahaa saldhig meletari oo labeeya ka uu ku leeyahay magaaladda Darduus ee dalka Suuriya. Waxa ay is tuseen in ay u baahan yihiin meel Hindiya ka dhow oo maraakiibtooda gacanka cadmeed joogtaa ay shidaalka iyo saanadda ka qaataan kuna nastaan. Waxa ay u arkaan in wadamadda reer galbeedka (amase bahda NATO), oo hadda xidhiidhkoodu sii xumaanayo, maalinba maalinta ka danbaysa, ay sodomeeyo saldhig oo isugu jira cirka, badda iyo berigaba ku leeyihiin bariga dhexe iyo dalalka kale ee istiraatijiga ah ee ku xeeran. Waxay saldhigyo waawayn ku leeyihiin, Turkiga, Jordan, Ciraaq, Kuwayd, Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Qadar, Cumaan, Afgaanistaan, Jabuuti, ..iwm, waxa kale oo ay joogaan, badaha ku xeeran oo dhan; bada madow, badda cad, badda cas, gacanka cadmeed,  badwaynta Hindiya, bada carabta iyo khaliijka carabta. Sidaa awgeed, waxa shirkaa lagu lafa guray, iyadoo il-gaara lagu eegayo xidhiidhka sii xumaanaya oo isu bedeli kara iska-horimaad hubaysan ama dagaal, in arintaasi ay tahay khalkhal wayn oo amaanka iyo danaha istiraatiijiyadeed ee dalka Ruushka wax u dhimasysa isla markaana ay tahay in si degdega wax looga qabto lana helo saldhigyo meletari oo cusub. Waxa xogtu sheegaysaa in shirka lagaga hadlay saldhigii magaalada Berbera ee Soofiyeet ku dhisay xiligii dagaalkii qaboobaa, iyadoo loo arkay meel aad u istiraatiijiya oo kulaalaysa saldhiga maraykanka ee Jabuuti una dhaw badwaynta Hindiya iyo Khaliijka iyo badda cas intaba. Waxay falanqeeyeen caqabadaha ka hor imanka sidii ay saldhigaa u heli lahaayeen, iyo shuruudaha suurtagalka ah ee Somaliland ku xidhi karto, oo ay u arkeen inay ugu wayn tahay, inay Somaliland shardi ka dhigto in Ruushku ictiraafo Somaliland. Waxay ka doodeen, hadii ay Somaliland ictiraafaan, wax dhibaata ah oo kaga iman kara arintaa, waxayna u arkeen in ay ka cadhaysiinayso oo keliya dalalkii ay marka horeba iskasoo horjeedeen iyo koonfurta Soomaaliya oo aanay jirin waxay yeeli karaan dalka Ruushka, gabagabadiina waxa loo arkay fursad aad u qaaliya oo aan la dayici karin. Waxaa golaha amaanka ee Ruushku go’aansaday in wefti, arinta kala hadla, loo diro Somaliland, waxana u qorshaysnaa in hadii Somaliland shardi ka dhigto in Ruushku ictiraafo, la ictiraafo islamarkaana lagu qanciyo dalalka ay Ruushka bahwadaagta yihiin in ay iyaguna ictiraafaan. Waxa kale oo la falanqeeyay cadaadis reer galbeedka kaga iman kara Somaliland oo ay ka mid tahay inay joojiyaan caawimada

kuwa caalamiga ah iyo waxa laga yeelayo. Waxa ay ku qiyaaseen caawimadda sanadkii soo gasha Somaliland marka la isu geeyo, ugu badnaan, 100 milyan oo doolar. Waxa xogtu odhanaysaa, waxa Ruushku go’aansaday in miisaaniyadda Somaliland lagu kabo 1 bilyan oo doolar sanad kasta, si aan dhinacaa cadaadis looga saari Karin.

Xogtu waxay leedahay, waxa Ruushku usoo diray Somaliland wefti qarsoodi ah, waxana ay la kulmeen shan wasiir oo madaxwayne siilaanyo u xilsaaray inay la kulmaan weftiga waxay u socdaana ka soo talo bixiyaan. Wasiiradaasi waxay kala ahaayeen;

  1. Xirsi Cali X. Xasan, wasiirkii hore madaxtooyadda ee is casilay,
  2. Maxamuud Xaashi, wasiirka madaxtooyadda,
  3. Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii hore ee arimaha debeda,
  4. Cabdicasiis Maxamed Samaale, wasiirkii hore ee maaliyadda,
  5. Samsam Cabdi Aadan, wasiirka maaliyadda

Shir albaabadu u xidhan yihiin ayaa weftigii Ruushku ku soo bandhigay waxa ay rabaan iyo waxa ay doonayaan inay Somaliland u qabtaan ee ay kaga bedelaynayaan saldhiga meleteri. Jawaab celintii wasiirada waxa nuxurkeedu ahaa saldhig meleteri hadii

aanu idin siino waxay keeni kartaa in dalalka reer galbeedka qaarkood arintaasi ka cadhaysiiso oo nala coloobaan, markaa maxaanu faa’iidaynaa. Waxa u jawaabay madaxii weftiga Ruushka oo yidhi; “24 sano ayaa reer galbeed idin ictiraafi la’yahay, hadana uma jeedaan inay idin ictiraafaan, anaguse waanu idin ictiraafaynaa, 45 dal oo aan siyaabo kala duwan bahwadaag u nahayna waxaanu ku qancin karnaa inay idin ictiraafaan, waxaanu ognahay in reer galbeedku aanay idinka caawin kaabayaasha dhaqaalaha, waxay idinku magacaabaan oo dhan hadii la isku darana aanay gaadhayn 100 milyan oo doolar sanadkii, hadii aan heshiis iskaashi gallo waxaanu idinka caawindoonaa kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta dekedaha, garoomada dayaaradaha, wadooyinka, guryaha dowlada, wershadaha kala duwan ee ku salaysan wax-soosaarka dalka, mashaariicda shaqa abuurka dhalinyarada, soo saarida iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dalka ee kala duwan (hadii ay shidaal tahay iyo hadii ay macdan kale tahayba), aasaasida iyo horumarinta kaydadka kala duwan ee dalku u baahan yahay, sida kaydadka cuntooyinka iyo dawada daruuriga ah (mudo aan ka yarayn 5 sano) iyo kaydka shidaalka, waxaanu idinka iibsanaynaa xoolihiina. Hadii ay idinka idinla noqoto waxaan geli karaa heshiis difaac wada-jira, waxaanu idinka caawinkaraa dhisida ciidan iyo boolis tayo leh oo ku hubaysan qalab casri ah oo heer caalami ah, waxaan iska kaashan karaa horumarinta wershadaha meleteriga, si qalabka ay u baahanyihiin intiisa badan loogu sameeyo dalka gudihiisa. Waxaanu doonaynaa in aynu noqono laba dowladood oo danahooda iska kaashada si siman oo ku salaysan heshiisyo”. Madaxii weftiga dalka Ruushka wuxuu ku soo gabagabeeyay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo ay Somaliland doonayso iyaguna ay rabaan oo keliya in Berbera saldhig kooban (oo aan waynayn) laga siiyo. Xubnihii wasiiradu waxay weftiga Ruushka u sheegeen in arintani u baahantahay inay iyaga iyo madaxwaynuhu ka wada tashadaan laba maalmood gudahoodna ay ku soo war celindoonaan.

Xogtu waxay odhanaysaa, sadex saacadood kadib, waxaa arintii Somaliland lagaga shirayey gaadhay dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska oo caasimadahooda arintii lagu gorfaynayey. Waxa xogtu odhanaysaa, wasiirada Somaliland ee la shiray weftiga oo u badnaa qurba-joog, ayaa mid waliba wadankii uu sharicigiisa sitay ee uu u qaxay waxa uu iskaga dhaadhiciyay arintii weftiga Ruushku

la yimi, dalalkii reer galbeedka ee xogta helay waxay ku dhiirigeliyeen wasiiradii inay weftiga Ruushka iska diraan oo ay u sheegaan in arintani u baahantahay wadatashi dheeraada, sidaa awgeedna ay iska noqdaan oo ay marka ay tashigooda dhamaystaan ay soo wargelindoonaan ama wefti usoo diri doonaan.

Xogtu waxay odhanaysaa, weftigii Ruushku markii uu noqday, waxa wadamada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan maraykan iyo ingiriis u xilsaareen dowlada Imaaraadka Carabta, gaar ahaan imaaradda Dubay, inay Somaliland wadahadal la furto laaluush farabadan oo qarsoodi ahna siiso wasiiradda Somaliland ee arinta ku lug lahaa, kuna qanciso in Imaaraadka Carabta laga siiyo Berbera saldhig meleteri (oo noqonaya saldhig ka baxsan dalkeeda kii ugu horeeyay ee ay wadankale ku yeelato), dekeda Berberna ay maamulaan, haamaha shidaalkana lagu wareejiyo oo ay balaadhiyaan, iyo arimihii kale ee ku qorraa heshiiskii lala saxeexday imaaradda Dubay (Dubai Government) ama DP World (sida dadku ay u maqleen). Sida muuqata waxa ujeedadu ahayd inay ka hortagaan qorshaha Ruushka oo la curyaamiyo, islamarkaana aan dalalka reer galbeedku ka muuqan meesha.

Xogtu waxay odhanaysaa, Ruushku wuxuu isaguna ogaaday in arintii dalalka reer galbeedku ogaadeen, qorshihiisiina la curyaamiyay wadan carbeedna loo xilsaaray. Wuxuu soo diray markale wefti uu hogaaminayo xubin ka tirsan golaha guurtida ee Ruushka oo muslin ah oo ka soo jeeda Shiishaan ahna ku xigeenka gudoomiyaha gudida arimaha debeda ee golaha guurtida dalka Ruushka oo lagu magacaabo Ziyad Sabsabi, wuxuuna Ziyad keenay 240 ton oo caawima ah oo loogu talagalay dadka baahan. Xogtu waxay odhanaysaa, arinta ugu weyn ee odayga guurtida ahi u yimi waxay ahayd in uu dareensiiyo Somaliland inay ogyihiin waxa socda, wasiiradii weftigooda la kulmayna, dalalka reer galbeedka gaadhsiiyeen xogtii ay ku wada hadleen, wax ay ku doorsadeena aanay jirin, wadamada carabta iyo reer galbeedkuna aanay diyaar u ahayn inay Somaliland ictiraafaan, iyo inay caawimo dhaqaale oo wax-ku-ool ah siiyaan midna, wuxuu si cad Somaliland ugu sheegay in qorshaha reer galbeedka iyo carabta ay adeegsanayaan

uu yahay in Somaliland meel dhexe lagu hayo oo laga dhigo dal xilikasta u baahan iyaga.

Xogtu waxay fasiraysaa halka ay salka ku hayso danaynta dalka Imaaraadka Carabta ee lama filaanka ah ee aan hore looga baran, iyo cida ay u adeegayaan. Waxay fasiraysaa qorshayaasha is-jiidhsan ee ku jihaysan Somaliland.

Waxa kale oo intaaba ka khatar badan oo ay xogtu sheegaysaa wasiiradii u dhaartay dalka in ay khiyaamo qaran ku kaceen oo ay u shaqaynayeen dowlado kale oo ay beryo ku noolaayeen, hadana ay filayaan marka ay xilka waayaan inay ku noolaandoonaan.

Waxa kale oo xogtu fasiraysaa magacaabidii madaxwayne siilaanyo u magacaabay wiilkii uu sodoga u ahaa inuu noqdo wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta, taas oo ahayd wax ka baxsan dhaqanka Soomaalida iyo anshaxa maamul ee Somaliland intay jirtay soo taxnaa. Waxay tilmaamaysaa in qoyska madaxtooyaddu si gaara u danaynayay xidhiidhka imaaraadka carabta iyo dhaqaalaha xoogan ee ay sida khaldan ku helayaan oo la odhan karo waa sababta keentay in cidkale oo ay ku kalsoonaadaan garanwaayeen, sidaa awgeedna ugu magacaabeen wiilkii uu sodoga u ahaa siilaanyo si ka baxsan dhaqanka iyo anshaxa.

Waxa kale oo xogtu sheegaysaa, in wasiiradii arintaa aan xaga hore kaga hadalay wax ka ogaa ay wadanka Imaaraadka Carabta ka qaateen lacago lagu qiyaasay marka la isu geeyo 22 milyan oo doolar oo ah lacago jeebabkooda ku dhacay, inta ugu badana ay qaateen qoyska madaxtooyadda.

Xogtu waxay daaha ka qaaday waxyaabo badan oo aan ka faaloodkeeda u dayndoono dadwayna Somaliland.

 

Waxa soo koobay

Cabdillaahi Maxamed

cxmcq1980@gmail.com

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=44994

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 11 2016. Filed under Articles. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed