|

SODDOONKI WARAQADOOD EE SULDANADU reer awdal SILANYO UU GEEYEN MAA SAACABBA TUMISKII SEYLICI BAA KADAMBEYEY WAABA YAAB EE!!!!!!!

sayliciSODDOONKI WARAQADOOD EE SULDANADU reer awadal SILANYO UU GEEYEN MAA SAACABBA TUMISKII SEYLICI BAA KADAMBEYEY WAABA YAAB EE!!!!!!!

Nidaamka qabiilka ku dhisan ee somalilaand wuxuu ahaa nidaam jiri jiray oo lagu dhaqmaayay casrigii lagu jiray jahliga,dadkana waxaa dastuur iyo diinba looga dhigaayay nidaamka qabiilka ku dhisan,hayeeshe markii la soo dejiyay risaaladii islaamka ayaa nidaamkii qabiilka ku dhisnaa la baabi´iyay,isbeddelka iyo horumarka uu samaynayo bani’aadankuna ma’ahan wax la inkiri karo,maxaa yeelay wuxuu qofkaasi ka soo haray amaba uu ka yimid waxyaabo fara badan oo aan caqliga bani’aadanka gelaynin,waqtigan xaadirka ahina lala imaan karin.

Shaki kuma jiro in qabiilka aan lagu dhisi karin dawladnimada,horumarna aan lagu gaari karin,tusaale noogu filan burburkii Soomaaliya ka dhacay,maamulada ka jira Soomaaliya waxaa aasaas u ah qabiilka,ma dhici karto in ay horumar gaaraan,mana dhici karto in ay sidaasi dawladnimo ku helaan.

Qabiilka waxaa u baahan qof aan caqli iyo cilmi midna aan lagu arag,diin iyo dadnimona aan daw u ahayn,qofka qabiilka u baahan waa qof argaggax ku nool oo cabsi ku nool oo kalsoonidarro ku nool iimaankiisuna uu daciif yahay, waa qof danayste ah,wuxuuna u socdaa si uu danahiisa ugu u fushado.

Nidaamka qabiilka ku dhisan wuxuu raad weyn ku dhaafay bulshooyin fara badan oo dunida ku nool wuxuuna dhexgalay maamulo fara badan ee dunida ka jira,gobollada qaarkood ee Soomaaliya waxaaba loogu magac daray magacyo qabiil ah,sida gobolkii la oran jirayMajeerteen,gobolkii Ogaadeen iyo deegaano kaloo badan oo loogu magac daray qabiilka deegaankaas deggan,dawladaha qaarkoodna ee dunida ka jira waxayba isu beddeleen boqortooyo dabadeedna waxayboqortooyadii siiyeen magaca qabiilkooda ama
magaca reerkooda sida aynu ku aragno boqortooyada carabta ee reer Sucuud,nidaamyo kaloo badan ee dunida ka jira kana mid ah nidaamka militeriga iyo midda madaniga ahba ayaa iyaguna ku dhaqma nidaamka qabiilka ku dhisan.

Qabiilku wuxuu qofku dhaxalsiiyay in uu ku lammaansanaado kana harin meel
kasta uu joogo,isagoo aaminsan in qabiilka uu aa saasu yahay geeddi socodka noloshiisa,wuxuuna qofka qabiilistaha ahi uu noqday ruux aan cidna ku
kalsoonayn qofka qabiilkiisa ahmooye, waa taynu aragnay in qofka qabiilistaha ahi ay ku adag tahay sidii uu u dhexgeli lahaa bulshada kale ee muslimka ah, doonina maayo waxna ka dhegaysan maayo sheekh kasta oo loo keeno,wuxuuna sheekha islaamka oo dadka xaqa u sheegayo ka jecel yahay ugaaskiisa oo hortiisa ay ku cayaarayaan naago aan xishoonayn,madaxiisana lagu shubayo caano oo ah risqi Allah,dad badana ay ka harraadsan yihiin.

Qofka qabiilistaha ahi wuxuu doonayaa in uu ummadda dib ugu celiyo mujtamicii bidaa’iga ahayd (primitive society),kaddibna uu qabiilkiisa u soo dhaco wixii hanti ah ee lagu aaminay ee dawladda iyo dadkuba milki u
lahaa,dabadeedna lagu yiraahdo waa nin gob ah oo geesi ah oo nasab nasab dhalay ah,gob iyo nasabna waxay u fasirteen in uu yahay kan dadka dila oo
dagaalka u horseeda,kan dalka dhaca oo dadka u kala eexda,kan danta qabiilkiisa mooye aan dan ka lahayn danta dalka iyo dadkuba,ibnu Khalduuna oo caan ku ah dunida carabta iyo muslinkuba wuxuu si xoog leh uga hadlay casabiyada wuxuuna sheegay in casabiyada iyo qaybaheeda oo dhanba ay door
ka cayaarayso sidii ay dhulka ula geli lahayd dawladnimada,waxayna hoos u
dhigaysa oo ay la dagaallamaysa in ay dhisanto dawlad xoog leh amamid dhexe oo caadil ah,tacasubnimona (chauvinism) haddii ay wax tarayso waxaa ku guulaysan lahaa keligii taliyehii Hitler,kaasoo isku dayay in qabaa’ilka Jarmal uu ku baahiyo kuna fidiyo Yurub oo dhan.

Dawladaha dunida saddexaad waxay ku burbureen in madaxdoodu ay ku danaystaan xoolihii dalka taladana ay gacanta u geliyaan reerkooda oo keliya shacabka intiisa kalena ay gaajo iyo jahli ku joogaan.

Qofka qabiilistaha ahi wuxuu doonayaa in uu ummadda dib ugu celiyo mujtamicii bidaa’iga ahayd (primitive society),kaddibna uu qabiilkiisa u soo dhaco wixii hanti ah ee lagu aaminay ee dawladda iyo dadkuba milki u
lahaa,dabadeedna lagu yiraahdo waa nin gob ah oo geesi ah oo nasab nasab dhalay ah,gob iyo nasabna waxay u fasirteen in uu yahay kan dadka dila oo dagaalka u horseeda,kan dalka dhaca oo dadka u kala eexda,kan danta qabiilkiisa mooye aan dan ka lahayn danta dalka iyo dadkuba,ibnu Khalduuna oo caan ku ah dunida carabta iyo muslinkuba wuxuu si xoog leh uga hadlay casabiyada wuxuuna sheegay in casabiyada iyo qaybaheeda oo dhanba ay door ka cayaarayso sidii ay dhulka ula geli lahayd dawladnimada,waxayna hoos u
dhigaysa oo ay la dagaallamaysa in ay dhisanto dawlad xoog leh amamid dhexe oo caadil ah,tacasubnimona (chauvinism) haddii ay wax tarayso waxaa ku guulaysan lahaa keligii taliyehii Hitler,kaasoo isku dayay in qabaa’ilka Jarmal uu ku baahiyo kuna fidiyo Yurub oo dhan.

Madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ayaa damcay in nidaamkii
militariga ahaa uu u beddelo nidaam boqortooyo ah,isagoo taasi u carbiyay
wiilkiisa Maslax ee uu jeneraalka ka dhigay,hayeeshe waxay arrintaasi u hirgeli weyday duruufo dagaal sokeeye awgeed,markii danbana waxay keentay in madaxweyne Siyaad laga saaro xaruntii dalka 26/04/1992kii,jeneraal Maxamed Faarax Caydiid oo uu ka mid ahaa dadka loo aanaynayo in ay dalka ka saareen madaxweynihii Siyaad Barre,ayuu u carbiyay wiilkiisa Xuseen sidii uu jagada aabbihii ula wareegi lahaa marka uu geeriyoodo,jeneraalku wuxuu geeriyooday bishii Agosto 1996kii kaddib markii ay dagaal ba’an isaga hor-yimaadeen
ciidankiisa iyo ciidan uu gaashaanbuur la ahaan jiray,madaxna u ahaa Cusmaan Caato,geerida jeneraalka kaddibna waxaa jagadii la wareegay wiilkiisa oo u sii carbisnaa jagadaasi lana yiraahdo Xuseen Caydiid.
Abdirasak Ali Fursheed (Aabbe Geelle)
aaGeele@online.nl

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=44996

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 14 2016. Filed under Articles, somaali. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed