|

Taliska Booliska Somaliland Oo Sheegay Inay Soo Qabteen Raggii Jid Dilka U Gaystay Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada WADDANI.

latest_news_logoHargeysa-(XNN)-Ciidanka Booliska Somaliland oo goor dhaweyd saxaafada kula hadley xarunta taliska guud ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegen in ay gacanta ku soo dhigeyn laba nin oo lagu soo eedeyey dhawaacyo loo geystay gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga Waddan Maxamed Sadiiq .

Taliyaha Guud ee ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman iyo afhayeenka Ciidankaasi Gaashanle Sare Faysal Xiis oo warbaahinta si wada jir ah ula hadley ayaa sidaasi u xaqiijiyey

Ugu horeyn afhayeenka ciidanka Booliska oo arintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Ciidaka Boolisku waxaa ay gacanta ku soo dhigeyn eedeysane Khaliif Axmed Cali Cawaale kaas oo lagu eedeyey in uu u hanjabey dhibane Maxamed Sadiiq Cabdilaahi Dhamme inta aanu falku dhicin ka hor , intii ay baadhista ciidanku wadeen waxaa nooga soo ifbaxey oo ciidanku gacanta ku soo dhigeyn Cabdikariim Cabdilaah ismaciil Rigaax oo isna lala xidhiidhinaayo in uu fal danbiyeedkaas lug ku lahaa “ayuu yidhi afhayeenka ciidanka Booliska.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi warbaahinta kala hadley taliyaha guud ee ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman waxaana uu amaanay da daalka ay ciidanka boolisku ugu jiraan sidii ay u sugi lahayeen nabad galyada shacabkooda isaga oo bulshada ugu baaqay in ay sii wadan la shaqeynta ciidanka

“Dhacado marka ay dhacdo ciidanka waxaa xaq loogu leeyahay hawshaas maxaad ka qabateen , inta uu ciidanka Boolisku waajibaadkooda gudanaayo waxaan u soo jeedinayaa bulshada Somaliland iyo cid kasta oo arintani khuseyso in aanay baadhista ka hor dhicin oo aanay ku kicin fal nabadgalyada dalka khatar ku ah ” ayuu yidhi Taliye Fadal


Hargeysa-Somaliland

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=45030

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Dec 26 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Added