|

Daawo Caleemo Saarkii Maanta Ee Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxwaynaha Jabuti Oo Dhagax dhigay

sarka_51Muqdisho-(XNN)-Waxaa goordhaw hool kuyaala Xerada Ciidanka Cirka ee Afisiyooni ee magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabatay munaasabada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Farmaajo.

Munaasabada caleemo saarka ah oo ah mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka qeyb galaya Madax kala duwan oo lagu casuumay iyo sidoo kale marti sharaf ka kala timid dalka dibadiisa iyo gudihiisa.

Madaxda ka qeyb galeysa Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Jabuuti, Madaxweynaha dalka Kenya, Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya, Madaxweyne kuxigeenka dalka Sudan ,Wasiiro iyo madax kale.

Munaasabada goordhaw bilaabatay waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha la caleema saarayo Farmaajo, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, R/Wasaaraha waqtigiisa dhamaaday, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Waxaa lagu wadaa munaasabada goordhaw bilaabatay in khudbado ka jeediyaan Madaxda Soomaalida iyo madaxda kale ee lagu casuumay munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale Labada Madaxweyne ayaa kahor munaasabada Caleemo saarka waxa ay si wadajir ah u dhagax dhigeen Dhismaha cusub ee Safaarada Jabuuti oo laga dhisayo meel ku dhaw xeebta Liido ee magaalada Muqdisho .

 

 

dagax_2dagax_4dagax_5dagax_6sarka_1sarka_3sarka_4sarka_5uhur_1uhur_2uhur_3uhur_4uhur_5

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=45186

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Feb 22 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed