|

Fashilkii Cirro Iyo Guushii Somaliland

CIROWaxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaanasalaamaya muwadiniinta Somaliland.

Iyaado xamaasad ay ka dhigtayn mucaariidku cayda dawladda iyo shakhsi weeererka oo ah runti hindisaad xun oo meel ku gaadhsin karin waxay tahay wax laga xishoodo, saaxada siyaasada somaliland tartankeedu waa mid furan mucaarad iyo muxaafadba ,waxa lagu tartamaana sidii bulshdda codkooda loo kasban laha marka doorasho timaado,lakiin intaa ka horaysa waa in qola walba shaqadayda qabsata runti naa xukumadda shaqadedii way qabsatay ee maxa loo xag xaganaya talow !!..

Shalay wixi ka dhacay barlaamaanka sawir xun ayuu ku noqday Somaliland, waxaana mas’uuliyadeeda leh kow cabdiraxmaan cirro iyo xildhibaanadii waddani ii sida caruurta uga qaylinayay golaha dhexdiisa !. cirro wuxuu ku khaldamay inuu golaha ka baxo isagoo shir gudoomin laha sidii saleebaan lkn wuu ka baxay waxayna muujinaysa in u ducufnimo samiyay sida dadku gabi ahaan u wada hadlayaan oo kursigii uga cararay aqlabiyadii taagnayd ee codaysay. Hadii laga bato in aad fadhisato ayay ahayd wuu ku dhacay cirro shalay taas.xildhibaanadda waddani qayladooda wax may tarin waxayna ka ahayd filin in ay is tusaan inay diidsan yihiin heshiiska ln markii la codayn laha gabi gooda waxay u codayeen ansixiinta saldhiga!, bal waddanigan waalan eega bal ee sumacad darada la hor imanaya tv yada.ninka kaliya ee diiday wuxuu ahaa xildhibaan afyare !xagee tagayn xildhibaanadii waddani ee ka badna 20 xil? Gabigood yes ayay yidhahdayn!.wuxuu noqday waddani xarun caruureed oo aan siyaasadd micnaheedu ka taagnayn, waxaana u sheegaya bulshadda sida qiraysan u taageersan waddani waa kuwa xildhibaanadiini idin iibiyay shalay oo mabda’iini iibiyay ka warama!,cirro na wuxuu yidhi kilmad oo ah madaxweyne dib uga fiirso! Gudoomiye waa la ansaxiyay saldhigii min barlamaan ila gurti sharcigee aya dib u eegaya !. 

Jahwareerka waddani wax si wayn u khal khaliyey horumarka ay wado xukuumadda madaxweynaha md. Axmed maxamed maxamuud iyo fulinta shuruucda dalka waafqasan talaabooyinka siyaasdeed ee xukuumadda, maalin walba wataas la arko midhaha horumareed ee xukuumadda. Fashiilka ugu wayn ee haysta waddani waa hoggan la’aanta haysta iyo khilafaad dhex yaala, waxaana muuqda ducufka haysta mas’uuliyiinta marka tv yada ay ka soo baxan wax codkar iyo khibrad mucaariidnimo ay ka maqaan tahay iyo munaafiqnimo.runti waxaan u soo jeedinaya gud cirro in u iska casilo barlmaanka hadii ay wada shaqayn waayeen xukuumaddi iyo golaha guurteda waayo dalkan khilaaf taagan mar walba uma baahana.waxaana taas ku cadenaya lagama daba cararin sidii FARMAAJO ee kaligaa ayaad tahay gud!.

Qore Khadar Ibrahim

 

Khadar338@hotmail.com

Attachments area

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=45167

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Feb 14 2017. Filed under Articles. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Added