|

Maanso gaaban oo la magaca baxday Farmaajow dadaal

FARMAAJOMaansada gaaban ee Farmaajow dadaal. Curiye Md.Suleiman Hared 9/02/2017 
Dabkii aad shidee
 Doorkaagii hore.
Cadow damiyey baa         
Dambaabidho baxshoo.
Farmaajow dabqaad.
Dalkii waa dumiyo              
Dadkii baaba’aa
Doogsanaya’oo                    
Dib u abuurmayee
 Farmaajow daryeel.
Calan dayacmayoo               
Duugoobay baa
Dib u jadiidsadoo                  
Kugu diirsadee
Farmaajow dadaal.
Dadweynow dhamaan        
Dibad iyo gudaba
Qabiil deyriyoo                      
Isku duubni guud
Dalkiina u damqada
Damqadow dadyahow         
Danta gaar nacoo
Danta guud gartoo             
Isku diirnaxoo                 
 Diintanaw  gurmada.

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=45132

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Feb 9 2017. Filed under Articles. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Added