|

Maxaa caro isaaq loogu koobayaa maalgashiyada dalka ee (shidaal badhis, Dekad dhisid, saldhig sameyn) leh ) Saylac iyo Lughaya midkood Saldhiga Emarates ka hala geeyo!

khadarMaxaa  caro  isaaq  loogu  koobayaa  maalgashiyada  dalka  ee (shidaal badhis, Dekad  dhisid, saldhig  sameyn)  leh ) Saylac  iyo  Lughaya  midkood  Saldhiga  Emarates ka  hala  geeyo!! Dr.khadar-Libaaxley.

Dalka  ma  beel  gaara  oo  deegaanadooda  iyo  dadkooda  u  fikiraysa  horumarkooda  ayaa  iska  leh?!  maxaa   dhagaha   bulshada  loo  maqashiiyaa  ( dalka  waa  la wada  leeyahey?! )  waxa   muuqata  in  dalka  iyo  dadka  la  kala  korinaayo  !! )

 Dareen  run  ah  iyo  daliilkan  daaha  ka  rogan  ayaa  u  damaanadiyo  marag  ah:-

Waxa  xaqiiq  caro  isaaq  ka  qoondeysan  hindisaha  tisqaadka   saldhiga  awood  dhaqaale  oo  mugleh  oo  ay  curiyayaasheeduna  yihiin:-

 

maalgashiga caalamiga ah  ee  dekada  berbera ( caro  isaaq).

maalgalinta dariiqa isku  xidhaya  berbera  iyo  ethoipia ( caro  isaaq).

 

  1. sahaminta, shidaal baadhista iyo  qodis  xigta  insha’aal( caro  isaaq)

 

  1. bixinta saldhig ciidan  oo  loo  xulay  duleedka  berbera ( caro  isaaq ).

 

  1. dhismaha dariiqa isku  xidha  Burco  iyo  Ceergaabo  ( caro  isaaq)

dhameystirka  mashruucii  ugu  weynaa  taariikhda  inta  la  ogyahey  ee  dhismaha  wadada  isku  xidha ( Burco  iyo  Ceerigaabo) ku  darsoo  xuquuqda  fikirka  waxa  iska  la haa  ( shirkada  dhismaha  wadooyinka  ee  ASARDA  ee  bilawgii  ka  curatay AWDAL , oo   si  naf  hurid  iyo  hindise  aan  hiyigaba  lagu  haynin  si  hufnaan  iyo  kalsooni  ku  dhisantahey  ku  ibo-furay   hirgalinta  dariiqa  isku  xidha  Borama-Dilla.  Marka   aad  aragto  intaasi  oo  mashaariic  waaweyn  ah  oo  dhamaantood  ka  fulaya  caro  isaaq !!!

miyaan ku gafayaa  hadaan  idhaahdo  dadka  ,dalka iyo  deegaamada  waa  la  kala  korinayaa?!

  1. miyaaney habooneyn in  la  yidhaa  koox  gaar  ah,  beel  gaar  ah  iyo  deegaan  gaar  ah  ayaa  leh ( ii  cug  ciiro =  igu  deegaankayga  gaarka  ah  oo  dhamaantood  wada  caro  isaaq  ah).

 Miyaan   gardarnahey  mise  waa  dareen  jira  oo  ismood  siis    iyo  badheedhe  mid uu  yaheyba  loo  faytay  xalintan  iyo  eex  deegaameedkan  iyo  bulsho  gaara  korintan  tiro  beeshay?!  miyey  tahey  wax  laga  aamusi  karo?!.  waa  maxay  amuurtan  iyo  yaabkani?!.

Soojeedin  mudan:-

Mudane  madaxweyne  iyo  madaxda  bulshada  reer  somaliland  u  adeegaysa  dalka  idinkaa  la  idiin  dhaariyey  in  aad  ku  dhaqdaan  si  maanka  iyo  maskada  bulshada  aad  u  adeegaysaan  u  cuntanta, oo  ku  dhisan  ( sinaanta  iyo  caddaalada  bulsho weynta  reer  somaliland  iyo  habsan  u  maamulka  iyo   u  qaybinta  maalgashiyada  kheyraadka  gobolada  iyada  oo  loo  eegayo  mudnaanta  iyo  ku  haboonaanshaha  oo  laga  hortagayo   shaadhwaliba  aniga  ayuu  ileegyahey !!  shaadh  waliba  aniga  ayuu  igu  fiicanyahey !!  shaadhwaliba   aniga  ima  dhaafo!!).

 Mudane  madaxweyne  saldhiga  milatari   ee  EMARAT ka  carabta  u  wareeji  LUGHAYA  ama  SAYLAC   si  ay  u  dhismaan  oo  dalku  u  dheeli  tirmo.

 Gabagabo:-

Dekada  berbera  ee  maanta  dalku   munaafacaadsado  waxa  dhismihiisa  sabab  u  ahaa  ( saldhigii  milatary  ee  russia   laga  siiyey  berbera  sabankii  siyaad  bare , saldhigii  lasiiyey  ruushku   wuxu   dhaley   dhismaha  dekeda  berbera  ee  maanta  shaqeysa  la’aanteedna  dawlada  somaliland  aaney  shaqeyseen;  dadku  inta   ay  dhanka  xun  wax  ka  eegayaan  maxey  dhanka  wanaagsan  wax  uga  eegi  waayeen??  yaabeye!!; haba  diidaane  maxay  wadaan  kuwa  wax  diidayaa?? nin  wax  diidayoon  wadin  wax  uu  ka  door  bido ;  wuxuu  doonayaan   jirin!!! saldhig  milatari  oo  carabta  la  siiyaa  waxa  daba  socota  kheyr  weyn, dhisme  kalsooni  in  la’aamini  karo   dawlada  somaliland  oo   ay  xigto  aqoonsi  caalamiya   iyo  furitaanka  albaabada  barwaaqasooranka   oo  aynu  dunida  u  furano).

 

Dr.khadar-Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=45146

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Feb 12 2017. Filed under Articles. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Added