|

mudane cusman daahir rayaale oo hambalyo diran udiraya madaxwaynaha cusub maxamed cabdilahi farmajo

hambalyoCusman Dahir: Hambalyo Hambalyo aad u saraysa oo kal iyo laab ah ayaan u dirayaa madaxwaynaha cusub ee dalka  soomaaliya mr.excellence Farmaajo  riyadii umada soomaaliyeed ay mudo badan sugayeen ayaa maanta inoo rumawday.
Mudane Farmaajo umada soomaaliyeed ee ku dooratay waa kuu hanwayn yihiin hawlo culus iyo marxalad dhib badana waa ku horyaalaan ee waxaan kaa codsanayaa inaad umada soomaaliyeed ku hogaamiso cadaalad iyo maskax caafimaad qabta oo ka fog musuq maasuq ka fog cadaalad daro ama dhan u xaglin ka fog dan gaar ahaaneed.
waxaan kaa sugaynaa marka hore inaad soo dhisto dawlad dhamaystiran oo ah mid lagusoo xulay aqoon, karti,daacadnimo iyo soomaalinimo aaminsan oo ay ka go’antay inay umadooda sabato bixiyaan.
marka xigta waxaan kaa codsanayaa inaad awooda saarto marka u horaysa amaanta gaar ahaan inta dawladu taliso.
marka xigta cadaalada oo aad si adag iyo la xisaabtan badan inaad dhisto dhanka maxkamadaha iyo asluubta.
marka sadexaad inaad geed gaaban iyo geed dheerba u fuusho dib u heshiinta umada soomaaliyeed.
dalkani waxaa sabata bixin kara jiilal cusub iyo dhiig cusub.
mudane madaxwayne xukumadaada iyo sirdoonka dalkaaga dhismo maskaxeed iyo mid  siyaasadeed ba waa lama huraan.
Dadka soomaaliyeed maaha dad caqli gaaban maaha dad aqoon la’aan ku suntan ee kasoo xulo xubno dhankasta aqoon iyo khibrad u leh siyaasada dibada ama dhiska dhaqaalaha wadanka.
mudane madaxwayne kalsooni badan badan baan kugu qabnaa illaahayna hanoo rumeeyo.
umada soomaaliyeedna oo ay ugu horeeyaan xildhibaanada soomaaliyeedna waxaan ka codsanayaa inay is garab istaagaan mudane farmaajo oo ah wiilka ka saari kara umada soomaaliyeed dhibta kusoo habsatay mudo badan.
Waxaan ugu danbayntii umada soomaaliyeed jeclahay inaan dhaho hambalyo hambalyo isbadal ayaa inoo curtay maanta.
waxaan si gaar ah u hambalyaynayaa madaxwaynaha dawlada jamhuuriyada djibouti excellence Ismail Omar Geuleh oo aan leehay waa natiijada hawshii nabadaynta ee aad carta ka bilawday markaa waad mudantahay in si diiran laguu hambalyeeyo.

waa walaalkiin
Osman Daher Rayaleh
Djibouti

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=45135

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Feb 9 2017. Filed under Articles. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Added