|

Muuse Waa musharaxa Higsanayso Somaliland

museWaxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaanasalaamaya muwadiniinta Somaliland.

Iyaadu Somaliland marayso marxalad horumarideed  dhan walaban dhaanta xukumaddihi kala duwana ee so maray Somaliland , maanta ta Somaliland ku horumar gaadhay waa xukuumadda uu madaxweyne ka yahay mudane axmed maxamed siilaanyo iyo xisbiga talada haya ee kulmiye , mustaqbalkana Shicibweynaha Somaliland waxay higsanayaan siyaasi sii wadi horumarka nooladeed ee shicibweynuhu ,waxaayna higsanayaan siyaasi geesi ah, wadani, horumarkooda jecel kaasna waa guddomiyaha xisbiga kulmiye mudane muuse biixi cabdi  oo aan filayo inuu yahay nin ku tilmaami kara shakhsiyaad ku dhaw shakhsiyadii marxuun cigaal.

Wuxuu muuse biixi cabdi ku Guulaystay qaybo fara badan oo ka mid ah Himiladiisa, waxaana kugu filan xiliyadii Somaliland la asaasay wuxuu aha hormoodka raggi asaasay qaranimada soaliland 1991 ee ka bilaw 1991 , isagoo libin weyn ka gaadhay talaabooyin is daba joog ah, ka horna wuxuu aha halgamyaashi u soo halgamay jiritaanka iyo dib usoo noqoshada xoriyadda Somaliland.Musharax Muuse Biixi Cabdi waa halyey dhug badan, oo geesinimadda iyo raganimadda ku jirtaa tahay mid indho badan iyo tallo gaamurtay ku gedaamantahay.

 

Sidaa markaan leeyahay waxaan aaminsanahay ama rag badani aaminsan yahay inuu Musharax Muuse Biixi Cabdi yahay Musharaxa qudha ee Bari ilaa Galbeed ummadda cid kasta og waxay xaq u leedahay, oo ay ka heli karto mustaqbalka. Muuse Biixi Cabdi had iyo jeer waxaa garba gurta rag uu ka fiicanyahay ama uu ka siyaasad, waayo-aragnimo iyo hogaaminba roonyahay, oo saxada Siyaasadda shalay ku soo biiray.

Inkasto oo qalin iyo qoraaltoona lagu soo koobi Karin guulaha marxaladaha uu gudoomiye muuse soo maray hadii la qodobeeyo aanay jirin cid gaadhi karta marka laga eego siyaasiyiinta marxaladaha , mustaqbalka ku dhaw hoggaminta Somaliland,  dad badanina aaminsan yihiin inuu yahay siyaasiga kaliya ee khibrad uleh Somaliland iyo shicibkiida , mustaqbal ahaana Somaliland u talaabin doona horumar iyo dawladnimo. Siyaasadda Somaliland maanta hal nin oo muuqday ayey leedahay, ninkaasi waa musharax Muuse Biixi Cabdi, Somalilandna waxa aanu aragno inay nala arkaan ayaa fiican, ninka aanu qaadanno inay nala qaataan ayaa haboon. Nin mabda leh, oo meel looggu soo hagaago iyo waxii lagga filaayo fulin kara maanta waa Musharax Muuse Biixi Cabdi, in laysku dhereriyo ama la garab roocaa maaha amuur quman, oo Qarankan gaadhsiin karta meesha aynu doonayno inuu gaadho.

Musharax Muuse Biixi Cabdi waa ninka qudha ee ay ku calool santahay beelaha cidhifyaddu waayo waa ragga wax ka og heshiisyadda iyo geedi socodkii Somaliland laggu soo unkay. Nin iska yimid iminka ama Siyaasadiisa Somaliland laggu sameeyey ma noqon karo aayatiinka iyo oodista Qarankan iyo hawlahiisa aynu dhinacyadda hayno maanta. Waxuu yidhi ninkii in aad taliso oo taladaadda la diiddo oo la jabo ma jeceshay? Waannu talin, oo reer Somaliland runta ayaanu u sheegi, ee geesiyadda dalku leeyahay waa in la soo hore mariyaa, oo danta iyo dowladnimadda gacanta loo geliyaa si uu Ummadda ugu horo cadaalad, sinnaan iyo midnimo weyn.

Ugu dambayn maanta siyaasi la mid ah haduu noqdo hoggamiyasha asxaabta amba siyaasiyiinta kala duwan ee saaxada ku jirta ma jiro nin la mid ah taariikhda goddomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi , Somaliland  waxay eegan doontana siyaasi qadiyaddiida u soo tabcay, marxalad walba soo martay la taagana heegan wadanimo kaasuna waa muuse biixi cabdi. 

Saadaashu waa khayr!!

 

Qore Khadar Ibrahim

 

Khadar338@hotmail.com

Attachments area

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=45175

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Feb 20 2017. Filed under Articles. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed