|

Fariin ku socota shirkadaha ka ganacsada Salal

maqaal1411Fariin ku socota shirkadaha siiya adeegayada telephonada,korontada iyo xawaaladaha ee ka hawl gala gobolka Salal ee somaliland.

waxaan dhamaan shicibka ku nool gobolka Salal ku baraarujinayaa shirkadaha siiya adeega telephonada iyo korontada iyo sidoo kale xawaaaladaha inay la xisaabtamaan oo ay qiimayn ku sameeyaan sida ay u qayb qaataan horawmarka Gobolka.
waxaan ogsoonahay dhamaan deegaanada soomaaliyeed shirkadaha lamid ka ah ee bixiya adeegyadaas kuwo la mid ah  in ay marwalba ka qayb qaataan horawmarka magaalooyinka ay jiraan
Ayada oo aan si dhab ahna uga war qabno inay ka qayb qaataan dhamaan deegaanada soomaaliland dhexdeeda  marka laga reebo gobolka salal oo asagu noqday geedkii dheemaalka uun laga goosanaayay.
Hadaba waan ogsoonahay sida ay uga baaqsadeen horawmarka waxbarasho iyo caafimaadba oo aan hadan aan joogno oo dhismo ay qurbo joogta gobolka ka caawiyaan badhitacaal dugsiga sare ee xariirad ilaa maanta ayna jirin shirkad ama xawaalad ka qayb qaadatanaysa dhismahaas dugsiga iyo qalabayntiisa intaba.
Hadaba shirkadahaas oo aan ogsoonahay in ay la hab dhaqan yihiin xukumada ka jirta maamulka soomaaliland.
habdhaqankaas ay la wadaagaan xukumada shirkadaahi waa iyaga oo aan tixgalinin beelaha   kale iyo deegaanadooda sida Gobolka salal oo ah gobol aad u balaadhan oo ay ku nool yihiin beel waynta ciise kana mid ah gonolada ugu dadbadan hada.
Markaa sida xaqoodii u lumisay xukumadihii soomaray s/land oo ay tani siiraanyo u dambayso ayuun bay shirkadahani iyo xawaaladahuna ula dhaqmaan gobolka salal.
waxaan sidoo kale ogsoonahay in ay beeli dawlad noqoni karin hadii la tixgalini waayo beelaha kale ee kula nool.
Waana hubaal in meel cadaaladi ka jirin dhexdeeda dibad wax looga raadshaa ayadoo aan ogsoonahay shicibka gobol salal iyo kuwa koonfurta la’aantoodka ayna soomaliland hanan karin gooni isku taag.
Waxaana hubaal ah in hadii ay dadka gobolka ku nooli ay arkaan meel cadaalad ay ka helayaan ay raadsadaan oo ay ka helayaan xaqsoor dhab ah.
Markaa hada waxay u taalaa dadka ku nool gobolka salal inay doortaan shirkada iyo xawaalada waxtar u leh gobolka ee ka qaadanaysa  horawmarka iyo gargaarka shicibka ku nool gobolka ee xaqiisii horay u lumisay xukumadihii soomaaliland.
Sida ku cad maamulka hada ka jira gobolka oo dhamaantood kasoo jeeda gobolo kale sida badhasaabka maayarka taliya qaybta police ka maamulaha laanta cashuuraadka(customka) maamulahaha laanta socdaal ka iyo dhamaan wasaaradaha xubnaha ka jooga ee hogaamiya wasaarad kasta halka ay dadkii gobolka u dhashay ee aqoon yahanadii gobolka cadkoodii lagu qaybsaday caasimada hargaysa.
Ugu danbayntii Gobolkani oo ka mid ah gobolada ugu balaadhan gobolada S/ land oo sidoo kale noqday gobolka ugu dad tiro badan marka la soo qaato tirada  isdiwaan galintii ugu danbaysay ee doorashooyinka ayaa hadana dadkii kasoo jeeday gobolka ka maqan yihiin dhamaan xubnaha xukumada marka laga reebo wasiir ka kaliya ee ciyaaraha oo ah goob madhan oo aad moodo in faal u qoray beel waynta gobolka dagta.
Hadaba dhamaan beel waynta gobolka hada waa wakhtigii aan ka tashani lahayn xukumada diiday inay idiin xaqsooraan ayna u arkaan inaad tihiin dad la wadaaga lahaanshaha S/land iyo shirkadaha isticmaala nidaamka ah geedka ka gooso midhaha mooyee indhaha ka xidhay inay idinka caawiyaan adeegyada waxbarasho iyo caafimaad i.w.m.
Ugu danbayntii waxa walaal iyo macmiil inii noqonkara cidii idinka caaawisa horawmarka gobolka iyo aqoonta ubadkiina.
waxaan idiin sheegayaa gobolada kale ugu yaraan 10 arday ayay jaamacado dibadeed u diraan kana bixiyaan dhamaan fee yada jaamacada ilaa ay dhamaystaan waxbarashadooda.
maxaa u diiday maanta inay idinka caawiyaan Dugsiga sare ee Aden Bileh High school sidoo kale dhakhtarka Wayn ee Ugaas Mustafe ee hada u xayiran xukumada soomaaliland oo ka gaabisay inay qalabayso shaqaale caafimaadna  u qorto dhakhtar qurbo joogtu idinku caawisay??.
dadka gobolka Salal ku nool maxaa u diiday inay helaan sida gobolada beesha isaaq ay ku nool yihiin daryeel waxbarasho iyo mid caafimaad intaba iyo sidoo kale inay ka shaqaalaysiiso dadka kasoo jeeda gobolka dhamaan laamaha dawlada ee gobolka salal.

Ugu danbayntii muhiimada aan maanta fariintayda usoo gudbinaayo waa inaan la xisaabtanaa shirkadaha dagan gobolka ee dhaqaalaha gobolka kaliya maalaya oo aan ku qiimayno waxqabadkooda.
Macmiil keenu waa shirkada u naxday umada ku nool gobolka ee garab joogsata shicibka.
shirkadahaas waxaa kamid ah shirkada telesom,Nation,Dahabsiil,Amal,Qaran express iyo qaar kale oo badan.
waxaan idinku qiimaynaynaa maaha adeegiina oo kaliya ee waxaan idinku qiimaynaynaa inta aad naga caawisaan dhamaan horawmarka gobolka sida waxbarashada caafimaadka iyo gurmadka abaaraha ka jira gobolka.

Prepared By
Aqoon yahan
Osman Daher Rayaleh

Short URL: http://www.xariiradnews.com/?p=45227

Email : xariiradnews@yahoo.com
Email : xariiradnews@gmail.com
Posted by on Mar 16 2017. Filed under Articles. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed